DAAWO MUUQAAL:- Gabar Somaliyed oo xiran Niqaab iyo Xijaab oo lagu aflagaadeeyay Dukaan ku yaalo dalka UK

0

Dukaan ku yaal Galbeedka Magaalada London ee dalka UK, ayaa waxaa ka dhacday in aflagaado loogu geysto Gabar Somaliyed oo Muslimad ah, xirana Niqaab iyo Xijaab.

Gabadhan oo Dukaanka u tagtay inay ka adeegato, ayaa waxa ay la kulantay Nin madow ah oo ay la socdaan labo Gabdhood oo uu dhalay, ninkaasi oo gabadha ku bilaabay inuu aflagaadeeyo, kadib markii uu arkay Xijaabka iyo Niqaabka/Indha shareerka ay xiran tahay.

Gabadhan oo lagu magacaabo Axlaam Saciid, ayaa sheegtay ninkaan inuu si gardaro ah ku maagay, islamarkaana uu yiri “Isaga tag dalkaan waa dal Kirishtaan ah, maxaad u joogtaa”

Axlaam ayaa hadalkii uu ninka ku aflagaadeeyay waxaa ka mid ahaa “Waxaan aqaanaa Gabar cadaan ah oo nin Muslim ah haysto oo IS ka tirsan, adiga nin iyo Naag waxaa tahay sidee u kala fahmaa ilmaheyga ma kala fahmayaan”

Ninka waxa uu gabadha ku tilmaamay in ay maasgaraati tahay isagoo ku celcelinayay maxaad u xiran tahay waxan?

Axlaam ayaa Taleefoonkeeda gacanta kaga duubta Muuqaalkan, xilli ay wada doodayeen Ninka Madowga ah ee Aflagaadeeyay Gabadhan Somaliyed ee Muslimada ah.

Dadka Muslimiinta ah ayaa la kulma falal kala duwan oo kala kulmaan dadka aanan haysan Diinta Islaamka.

https://www.youtube.com/watch?v=wKo-ez3wNNY