DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif oo Shacabka u soo jeediyay Talaabo looga adkaan karo Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Shacabka ku nool Degaanada Maamulkaasi ugu baaqay in ay san qarsan Shabaab islamarkaana ay Caruurtooda kala dagaalaman sidii Shabaab looga reebi lahaa in ay la shaqeeyaan.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Shacabka ku nool Koofur Galbeed ay Mas’uul ka yihiin in Ubadkooda ay Shabaab raacaan islamarkaana aysan ka hadlin Arrintaasi.

“Shabaab waxaa looga Guuleysan  karaa in hal Meel looga soo wada Jeesto oo Dagaal Toos ah iyo mid kaleba lala galo”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka mid ah Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe ee Dagaalka kula jira Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO