SHARMARKE OO SOO AFJARAY BEENTII DR GAAS PUNTLNAD IYO REER GALBEEDKA OO HANTIYAY SIYAASADA SOOMAALIYA GABI AHAANBA.

0

SHarmarke oo ah raysalwasaaraha dawlada fadaraalka soomaaliyeed ayaa ah nin leh sooyaal taariikheed ee ku qotama in uu kasoo jeedo qoysleh silsilad taxana ah oo siyaasadeed.silsiladaan oo ay umada soomaaliyeed u hayaan tixgalin gaara,sharaf iyo qadarin,oo mararka qaarkood ay ku faanto umada soomaaliyeed. dhanka kale dabcan qaran walbaa waa leeyahay madax iyo dad leh sharaf iyo siyaasad wadaniyeed oo lagu faano.waxaa intaa dheer sharmaarke oo ah nin isagu leh aqoon la xariirta arimaha hogaaminta iyo siyaasada iyo waliba khibrad shaqo,haday ahaan lahayd mid aduunka ah oo uu kasoo shaqeeyay iyo haday ahaan lahayd mid uu dalkiisa kaga soo shaqeeyayba isagoo dalka ka qaybtay laba jeer xil sare oo ah raysalwasaare oo wali hada uu yahay. sharmaarke waa nin qunyar socod ah wadani ah jecel soomaaliya oo hesha nabad iyo kala danbayn sinaan iyo cadaalad dawlad ku dhisan. sharmaarke waxa uu waqtigiisa galiyay in uu isu keeno oo heshiisiiyo dadka soomaaliyeed ee wax kala tabanaya iyo mushkilaadka siyaasadeed ee hadheeyay dalkan aadka u baa basan.

Saan hore u sheegayba sharmaarke ma keenin isagu soomaaliya 4.5 mana aha wax uu doortay,waa arin ka horaysay oo soomaalidu u aragtay xal iyo inay dawlad ku dhisato kadibna isaga tagto.maanta mar hadii maamul goboleedyadii dalka qaarkamid ah ama badankooduba iyo madaxwaynihii dalka iyo beesha caalamka oo ku raacday rabidooda haday xal u tahay 4.5 in soomaaliya ay dawlad ku dhisato sharmaarkana wuu ku raacay madaxwaynihiisii isagoo ilaalinaya danta wada jirka qaranka soomaaliyeed iyo wada shaqaynta madaxda sare ee dalka soomaaliyaba.

Sharmaarke maha nin ay dirsatay puntland,mana aha nin mawqifkiisa sida dadka qaarkii la dhuun dhuunta oo gabi dhacleeya ee waa nin leh go aan cad.sharmaarke mashaakilaadka soomaaliya wax badan buu ka xaliyay inta karaankiisa ah,intayaree uu fadhiyay xafiiska.waxaa kamid ah mashaakilaadkii koonfur galbeed,mashaakilaadkii jubaland state,mashaakilaadkii galmudug sate,mashaakilka dhismaha hiiraan iyo shabeele kataagan,mashaakiilkii puntland iyo galmudug,mashaakilaad mogdisho ka jiray oo farabadan intan iyo inkabadanba wax badan buu ka qabtay waana ku mahad sanyahay.

Hadana waxa uu soo afjaray mashaakilaad siyaaso oo uu abuuray madaxwayne dr gaas oo puntland shacabkeeda uu kukala qaybiyay,oo uu iska horkeenay beelihii iyo shaqsiyaadkii siyaasada iyo dawladii fadaraalka ahayd iyo puntland intaba.waxa uu keenay dr gaas puntland dhaqamo cusub oo wax u dhimay sharafkii iyo haybadii puntland.waxa uu usoo jiiday puntland colaado,fawdo iyo nabad la aan.dr gaas waxa uu baday shacabkii puntland is dhexyaac siyaaso oo aan jiho lahayn iyo go aan daro,waxa uu baray been,inkiraad,khiyaano iyo laaluush daciifnimo ah oo sharafkii la iibsanayo.

Dr Gaas waxa uu hore u ogolaa kana mid ahaa ragii sixiixay shirkii mogdisho ee layskula qaatay 4.5,waxa uu la shaqaysanayaa madaxwayne xasan sheikh iyo beesha caalamka.waxa uu mashruuc ku qaatay in uu puntland ka takhaluso oo wuu gatay sida hada dadka u wada cadba.haday qancayaan kuwii shalay naga diidanaa in dr gaas khaa imay puntland waxbaa la diidayna aysan ahayn run.laakiin waa jiraan dad iyo siyaasiyiin farabadan oo diidan nidaamku sheegaas foosha xun ee 4.5 kuwan ayaa la khaldayaa oo dr gaas qandaraas ku qaatay sidii loo maaweelin lahaa.

Dr Gaas markaan arkaba waxaa igu soo dhacda gabaygii waynaayo abwaan soomaaliyeed tiriyay laba weedhood oo kamid ahaa oo sidan ah.waxa uu yiri abwaanku min dhaa isagoo nin uu yaqaan isday la ahayd ay kaga soo baxeen wixii uu filayay,iyo heerku malaynayay waxaan ahaynba markaasuu ku calaacalay halhayskan isagoo hiifaya barashada dadkaba.
Dadba haybso mooyee ayaan,sii hundo ogaanin
Hebaloow ma nabadbaa ayaan,hore u weydaaran.

Dr Gaas in aynu barano maba ahayn,ee kursigaa puntland baa ceebtaa keenay.dhibkan oo dhana waxaa inoo keenaya hogaaminta mansabka sare ee puntland oo hal jifo oo majeerteen ahi xiratay iyagoo sidan u arkay khayr iyo raganimo balse ah talo xumo iyo dib u socodnimo.waxaa dhooban dal iyo dibad rag la dhashay oo leh haybad,garasho,geesinimo,iyo hogaamin tii u saraysay laakiin meel bay la fadhiyaan oo way la dhimanayaan caqligoodaas iyadoo aan laga faa iidaysan si guud ahaan.talada dalka hadii jees isku koobo waa ibtilo waxayna ku dhamaataa burbur iyo guul daro waayo dadku intaad rabtay rabaan waxay arkaan cadaalad daro.kaligay baa talin aduunyada way ka dhamaatay maanta.siyaad bare maxaa loo dayn waayay? waayo meeshuu ku daahay kaligiis xaqna ma aha kaligay unbaa talin ayadoo talada lawada leeyahay.waxayku diidaynay miyaan umada ula imaanaynaa jawaabtu waa haa.mudadaas puntland dhisantahay halkaa jifo unbaa madaxwayne ahayd marka laga reebo 6 bilood oo maxamed xaashi ah.

Xigmada aan ula jeedo ayaa ah,xirashada kursiga puntland wuxuu ina dhaxalsiiyay in dr gaas madaxwayne noo noqdo inagoo iska ilaalinayna cidkale yay san iman!! inta fariid taagan eeg iyo habawgan jagada lagu fadhiisayay qabiil awgiis.waxaan soo xusuustay siday puntland ahayd iyo siday hada tahay imaanshaha dr gaas qabiilku keenay,gabaygii nin gabayaa ahi kaga sheekaynayay xaalada yaabka leh ee isbadal. wuxuu yiri isagoo yaaban.waana masalka hada ay taagan tahay puntland fahma.

Hadday ayra geel kuu dhashood,waaya badan eegto
Uumiga kaliileed haday,aamineey curato
Oo ibaha naasaha la jaro,waa af-kala qaade

Halka gabayaagu hasha geel ku tilmaamayo ayaan puntland ka dhigayaa markaa dr gaas ayaa puntland u dhameeyay oo baabashay dhanwalba.salna waxaa u ah habka uu kuyimid ee hore oo ahaa mid qaraabo kiil oo foolxun.danbarkeedii baa shacabka puntland cabayaan hada.

Soo afjarida sharmarke ceebta uu dhigay dr gaas ayaa ah mid dhamaatay oo halkaa looga bogsaday ka shacab ahaan hada.horaan idiinku sheegay ka puntland ahaan in sharmaarke uu ka baqayo dr gaas!! hadaad i fahmaysaan laakiin waxaan layaabay ilaa waxa la taabto dadka puntland wax ma fahmaan miyaa? wax walba in laydin taab siiyo uun miyaa? miyaydaan wax kala garanayn oo akhrinkarin waxa jira ee waliba soo socda. waxaan xasusuustay gabayaa soomaaliyeed ayaa yiri sidan isagoo cabiraya in dadka qaarkood aan laga joogi karin marka hore,qayladooda,beentooda,isku dirkooda,khiyaanadooda,faankooda iyo baqbaqdooda! sida hada dr gaas iyo beeshiisu kawadaan puntland,dadka noocaan ah markii geesi u yimaad ee runta ay tagto,wax ka diciifsan malaha,wax ka fulaysan malaha,wax ka baarinsan malaha,waayo markii horaba waxa uu la qaylinayay isku kalsooni xumaaa iyo diciifnimo uu dhashay buu qarinayaa weeye macnuhu.gabayaaqa oo arintaa cabirayaa yiri sidan.

Awr badan waraabuhu hadduu,waa ajale laayo
Ma uu aamusnaado ee kolkuu uubatada qaado
Kolka aarka weyni u yimaad,waa afkala qaade

Halkan xigmadaa waxay tahay dr gaas waxaa laga joogi waay beentiisa ah 4.5 oo shacabkii dal iyo dibad kiciyay waa diidnay oo maxaa heeso ah,maa durbaan ah maxaa qaylo ah dadkii ka dhamaatay.sidaa gabayaagu ugu tilmaamay waraabaha markuu arko neef uu uqayliyo oo isugu yeerto huu huu huu huu! dabadeed qaylidii ileen isagaa aamusi waayay ee ayaa libaax u imanayaa hade mawarbaa yaal ilaaw ibixiweeye iyo kala yaac! hada sharmaarkaa yimid waa afkala qaad! maysigaa dr gaas hadlikara waxa uu yahay waakaas horana waad iiga diideen hada daawada. dr gaas afkiisa car ka maqla dib danbe 4.5!!!! waligeedba lama arag reer diciif horbooday oo meel gaara.sidii waraabaha ninkii dawyada puntland ka ciyaayey away qayladiisii!! away 4.5 away hadii bakomoon yimidaad yeeli maayo!!! aaway…aaway…awaay!!!!

Hadaba puntland waa laga bogsaday 4.5 waa loo dareeray,laakiin waxay ilatahay inaysan hadhawna diidi karin puntland jamhuuriyada dimuqraadiga ee soomaaliya oo ah wajiga labaad barta lagu wado soomaaliya wax baan hubaan ogahay oo cad waxbaan arkaa qaabkana diyaar uma ihi hada in aan idiin sheego intaa kabadan ah wajigalabaad cinwaankiisa.wajigan koobaad ninka ku guulaystay uma daahayo waxna ku qadan mayso ku guulaysashada wajiga labaad.puntland waa la mashquuliyay waxay ka fakarayaan oo kaliya xasan sheikh ayaa soonoqonaya! maba arkaan siyaasada guud iyo sida loo maamushay,ismoog aqalkiibay aslaaysaa ismana oga ee.sharmaarke waa arkaa in la maray puntland ee waxa uu yaraynayaa uun xumada iyo qandhada dadka qaar haysata intanaa ah naruuro waana mahad sanyahay.maxaayeelay dadka soomaaliland shacabka badankooda hada hadii layiraahdo soomaaliyaad kamid tihiin oo mogdisho ayaa xasan sheikh idunka xukumaa,dadbaa qalbiyan wax noqonaya oo dhaawac soo gaarayaa,waayo beentii mudada lagu akhrinayay oo tuug danaysato ahi masaakiintaa ku waaleen ayaa saamaysay,sidan oo kale ayuu puntland u galay dr gaas qaraaba kiil ka daba taagani.

Gumaystaha reer galbeedku waxay hantiyeen siyaasadii dalka soomaaliya.

Dalkeena waxaa burburiyay reer galbeed,inagoon inkiraynin in soomaaliyeey aynu burburkaa qayb ka nahay.kadib waa layna dhex galay,layna kala qoqobay.dawlad soomaaliyeed oo leh ciidan waa ladiiday,xaga ciidanka waa laynaga curyaamiyay.waxaa hadaba inagu adag in aan dalkeena nabadayno ciidan dari awgeed. dalkeena waxa reer galbeed keenay laba ciidan oo kala matala laba arimood oo kala ah sidan.

1.Ciidan afku uduuban yahay oo layiri diinbay wadaan oo rabaan inay dalka ku xukumaan,oo dilaya uun dadkii soomaaliyeed kuwaas oo aan dhaafayn dad iyo duunyaba dabar jaraya. ogoow kuwan waxa wada oo sameeyay ree galbeedka si fiican u fahma arinkaa.

2.Isla ciidankii oo afka duuban ayaa jooga oo lagu sheegay inay caawinayaan dawlada soomaaliya,lana dagaalamayaan argagixisada somaaliya.waa isla kuwii hore waana hal u jeedo oo ah in la dabar gooyo soomaalida oo xaga iyo xagaba laga dilo. in la jahawareeriyo layska horkeeno magacyo kala duwan loo baxsho waxa oo dhana reer galbeed ayaa wada hal meel baana looga taliyaa dhab ahaan. gudaha soomaaliya ayay xarumo ku leeyihiin sida mogdisho xarunta xalane iyo jaziira.

Hada iyagaa geeyay puntland wiilashaa yar yar ee uu soo siiyay daroogada,isagaa balad Wayne maajidka dadka ku laayay dadka fulinya arinka waa soomaali iyo calooshood u shaqaystayaal afrikaan ah.ciidamada afrikaanka amisom isagaa biila oo keenay soomaaliya malaayiin kusiiya,si aysan soomaali u yeelan ciidan.amisom waxay taageeraan in soomaaliya aysan nabad noqon dano kalay u joogaan soomaaliya oo ninkii soo kiraystay ayay u shaqaynayaan.

Madaxda soomaalidu sida madaxwaynaha soomaaliya waxay qaateen mashruuc oo gaaladay la shaqaysanayaan oo waa la isticmaalayaa,waxayna inagu qasbayaan oo fulinyaan inaynu aqbalo gumaysiga gaalada cadaanka ah ee dalkeena qabsatay. wax walba way ogyihiin ee waa u diyaar inay u shaqeeyaan waxaas gaalku rabo waa bareere waa ogyihiin runta.reer galbeedku ma ogola in dalkeena laga dhameeyo afduubka argagixisada ah maxaa yeelay waa qaabka ay ku joogi karaan dalkeena oo ah soomaaliya argagixisadaan ladagaalamayaa oo waa caawinayaa. macnuhuna waxaa weeye waa kii isagu waday arintan ee abuuray si uu u guumaysto soomaaliya. dantiisuna waa in uu dago ku raaxaysto soomaaliya,meelo gaara samaysto oo ka caagan dadka madaw ee dalka leh oo waxa uu u xirayaa cadaan oo kaliya.reer galbeed waa kamidaysan yahay in lalasoo baxo shiidaalka dalkeena waxna aan laynaga siin,in xeebaheena la xirto oo laynoo diido in aan xitaa ku dabaalano waayo lacag qaali ah ayaa lagu galayaa marka la xirto xeebta iskamana bixin karo.

beeraha dhulkeena waa la wareegayaan,shaqana inaga siin maayaan.dhulkeena uma ogola kenya iyo eithiopia inay qabsadaan waayo isagaa raba wuu ka ilaashan cid afrikaan ah dhamaanteed.dadka waxa uu ku saliday shabaab uu abuuray oo dadkii soomaaliyeed gaar siiyay heer ay ka cararaan dalkooda ama cabsi ku noolaadaa oo ka hadli waayaan danta dalkooda waana sida uu rabo gumaysigu oo caado u ah in dadka la cabsi galiyo.waa in aan ogaanaa qaabka gumaysigu inoo hantiyay oo dib isu xoraynaa.dib u xorayn baa ina hortaala soomaaliyeey.madaxwaynuhu waa daciif daba dhilif ah oo xagjir gumaysi raac ah ogaada waana laynoo adeegsaday.soomaaliya waxaa ku sugan mogdisho oo kaliya 15000 oo ciidan cadaan ah oo isugu jira wadamada yurub oo dhan iyo maraykan waa dhulkeenii mana tagi karo laynooma ogola waa lagu toogan hadaad u dhawaato.gacmaha aan is qabsano dhulka waa laynaga qaaday.

Yuusuf Cumar
Email:Mashruuc5@hotmail.com