DHAGEYSO:- Soomaali Ku biirtay Kooxda Daacish oo gaartay dalka Liibya

0

Dadka deegaanka magaalada Sirte ayaa sheegay in dagaalyahanno cusub oo isku jira , Soomaaliya, Tunisia iyo Algeria gaaray magaalada Sirte si ay ugu biiraan dawladda Islaamiga ah ee Daacish .

Kudhawaad 20 dagaalyahan ayaa gaaray magaalada, waxayna wateen   baabuurta Toyota, oo ay ku qoran yihiin calaamadaha lagu yaqaano kooxda Daacish , sidaas waxaa warbaahinta u sheegay  mid dadka deegaanka.

Kooxda Daacish ayaa gacanta ku  haysa magaalada Sirte muddo ku dhow sanad, waxaana magaalada ka shaqeeya amarada ay soo saarto Daacish, iyagoona badalay guud ahaan manhajka waxbarashada magaaladaas..

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in yhiin Soomaalidii ugu horeysay oo gaartay magaaladaas,kana mid ah kooxda Daacish.

Soomaali badan ayaa la aaminsanyahay in ku bireen kooxda la magac baxday dowlada khilaafada islaamka ee Daacish, waxaana la sheegay badankood in ay ka tageen dalka Yurub iyo Maraykanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-