DHAGEYSO:- Qaramada Midoobay oo ka dayrisay xaalada abaaraha ka jira soomaaliya iyo nolosha Caruurta Soomaaliyeed

0

QM ayaa maanta sheegtay in kumanaan kun oo Soomaali ah ay dhiman karaan haddii dalalka deeqaha bixiya aanay gar-gaar dheeraad ah ku bixin dadka ay ku dhufteen abaaraha ka jira Somaliland iyo Puntland.

Madaxa Hay’adda QM ee Somalia Peter de Clercq ayaa arrintan ka sheegay shir jar’aaid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi.

“Maanta waxaan bilaabaynaa codsi gargaar oo la xiriira El Nino iyo abaaraha Somalia, si aan u kordhino wacyi galinta ku aaddan lacagaha lagaga jawaabayo abaaraha. Waxaan doonaynaa 105 milyan oo dollar si loo gaaro dad ka badan 1 milyan oo qof, iyada oo kaalmo naf lagu badbaadinayo abaar oo darani ka jirto Punltand iyo Somaliland.” Ayuu yiri.

1.7 milyan oo qof, oo ah 40% tirada dadka Soomaalida ee ku nool Puntland iyo Somaliland ayaa gargaar degdeg ah u baahan, sida uu sheegay Peter de Clercq.

“Qiyaastii 1.7 milyan oo qof ayaa u baahan nooc kaalmo oo bani’aadiminimo iyo mid naftooda lagu taakuleynayo, kuwaas oo ka jira Puntland iyo Somaliland. Tiradan, qiyaastii 385 kun ayaa la kulmaya cunto yari aad u daran. 1.3 milyan oo kale ayaa ku sii silbanaya cunto xumida aadka u daran, haddii aanay kaalmo helin.”

Peter de Clercq ayaa sheegay in bilaha soo socda abaaruhu ay ku sii xumaan karaan woqooyiga Somalia, maaddaama, sida la saadaalinayo, roobabkii gu’ga ee bilaha March iyo June ayan xoog badnayn.

“Talaabo degdeg ah ayaa hadda loo baahan yahay. Haddii kale, waxaan khatar ugu jirnaa xaaladda oo si dhakhso oo qoto dheer u xumaata. Bulshooyinka ayaa waxay waayayaan waxyaabihii ay ku badbaadi lahaayeen. Waxaan doonaynaa inaan joojino nafta baxaysa iyo barakaca lagu khasban yahay, iyada oo dadku ayna wax kale haysan oo aan ahayn inay raadsadaan cunto, biyo, iyo meel wax ka soo galaan.” ayuu yiri.

Hay’adaha gargaarka ayey dhibaaato ka haysataa inay lacag u uruuriyaan malaayiinta qof ee abaaruhu ay ku dhufteen ee bariga iyo koonfurta qaaradda Afrika, kuwaas oo ay ku dhufatay dabeyshii El Nino ee ugu xoogga badneyd muddo 10-eeyo sano ah.

Digniinahan ayaa imanaya iyada oo dalka dariska la ah ee Ethiopia uu isna la hardamayo la dagaalanka abaarihii ugu xumaa muddo 30 sano ah, iyada oo dad ka badan hal milyan ay u baahan yihiin gargaar cunto.

Hay’adda UNICEF ayaa iyaduna sheegtay in nafaqo darrada Ethiopia ay si xun u saameysay 435 kun oo caruur ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-