Ma mooddaa in Soomaalidu ay yareysaneyso khataraha ka soo socda Itoobiya?

0

Itoobiya, Ayaa maalinba maalinta ka danbeyso, Waxa ay qaadaysaa talaabooyin halis gelin kara jiritaanka Umadda Soomaalida iyo Qarankooda. Waxa ayna talaabadii ugu danbeysay, uguna halisaneyd ku qaadday wabiga Shabelle, ka dib markii ay biyo-xireenno saartay Wabigaasi, Taasi oo ugu danbeyn keentay in uu Wabigu biyo yareeyo. Hadaba ma mooddaa in Soomaalidu ay yaraysanayso khataraha ka soo socda Itoobiya ?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi, Aan bal marka hore waxooga ka waramo taariikhda u dhaxaysa Umadda Soomaalida iyo Xabashida, Waayo taasi waxa ay sawir buuxa naga siinaysaa waxa u dhaxeeya labadan Umadood ee kala jaadka ah. Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Bariga Qaaradda Afrika, Ayaa waxa ay colaad gun weyn ahi kala dhaxaysaa Xabashida Itoobiya, Taasi oo soo martay heerar kala duwan, oo aan dib ka faahfaahin doonno.

Colaaddan, ayaa soo bilaabatay qarniyaal ka hor, Taasi oo marar badan keentay in gacanta la isula tago sidaad Adinkuba ka warqabtaan. Waxa ayna colaaddani salka ku haysaa gardarro ka imaanayso dhanka Xabashida, oo had iyo jeer doonaysa boob iyo dhul-ballaarsi iyo waliba sheegashada dad aysan waxbo wadaagin. Waana sababtaasi sababta ay u dhaceen dagaallo badan oo lagu hoobtay, Kuwaasi oo dhexmaray labada dhinac.

Dadka Soomaaliyeed, Ayaa mudadaasi dheer ku jiray iska caabin ay kala hortagayeen gardarradii uga imaanaysay, Islamarkaanna maanta uga imaanayso dhanka Xabashida iyo dhul-ballaarsigeeda, Taasi oo marar badan keentay, in ay dhacaan dagaallo badan oo lagu riiqmay, Kuwaasi oo qaarkood ay hogaaminayeen rag aan ka xusi karno Axmed Guray iyo Gen. Maxamed Siyaad Barre raxmatullaahi calayhim.

Xabashida, ayaa aaminsan fikrad oronaysa, in Soomaalidu ay ka mid tahay qoyska weyn ee Itoobiya, halka Soomaalidu ay aaminsan tahay taa cagsigeeda. Kala duwanaantan xagga fikirka ah, Ayaa keentay in ay isfahmi waayaan labada dhinac. Waana sababtaasi sababta ay u taagan tahay colaaddan gaamurtay. Sidee isu fahmaysaan qof uu dhibaayo wanaaggaaga ? Mase heshiin karaan wan iyo waraabe ?

Marka aad u fiirsato taariikhda labada dhinac, Waxaad arkaysaa in mar walbo ay Itoobiyaanku ahaayeen kuwa duulaanka ah. Taasina waxaa daliil u duulamadii ay soo qaadeen madaxdii soo martay dalka Itoobiya ee ay ka midka ahaayeen Xayle Salaase, Mingistu, Malis Zanaawi, iyo midda hadda hayo talada dalkaasi oo ay gacantiisu ku baxeen kumaanan kun oo Soomaaliyeed oo ay dishay rasaas lagu sameeyey gudaha Dalkaasi.
Itoobiya oo ka duulayso fikraddeeda guracan ee ku dhisan dhul-ballaarsiga iyo sheegashada dad aysan waxbo wadaagin, Ayaa waxa ay dadaal dheer u gashay sidii ay uga hor-istaagi lahayd Umadda Soomaalida in ay helaan kiyaan (qaran) Iyaga matala. Markii ay ku guuldareysatay iskudaygaasi, Ayey bilowday sidii ay u dumin lahayd qarankaasi, Iyadoo u sii maraysa damiir-laawayaal ah Soomaali ah.

Markii ay ku guulaysatay duminta Dowladdii ka jirtay Dalka, Iyadoo u sii martay Jabhado Soomaali ah oo aan ka xusi karno jabhaddii SNM iyo SSDF, Ayey hadana bilowday dadaal kale oo ay kaga hortageyso in mar kale ay Soomaaliya ka dhalato dowlad xooggan oo ay hormuud u yihiin dad wadaniyiin ah oo aaminsan fikradda Soomaaliweyn ee qiimaha badan.

Itoobiya iyo dadka maamula ayaanan marna jecleyn, in ay arkaan Somaaliya oo nabad ah, Islamarkaanna ay ka jirto dowlad xooggan. Waana sababtaasi sababta ay ula shaqeynayaan maamul beeleedyada ka jira Dalka sida Soomaaliland, Buntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo waliba Kooxda Suufiyada ee dhawaanahan la soo baxday dhaqamadii ay ku eedeyn jirtay ururkii Al-itixaad iyo wixii ka farcamayba (anigu markan qoray wato waa caadi laakin marka uu Itixaad wato waa khawaarijnimo) !!

Haddaan dib ugu soo laabto su’aashaydii ahayd, Ma mooddaa in Soomaalidu ay yaraysaneyso khataraha ka soo socda Itoobiya ? Jawaabtu waxaan leenahay haa wey yareysanayaan Anagoo sababayn doonno. Dadka Soomaaliyeed, Ayaa yareysanayo khataraha ka soo socda Itoobiya iyo dadkeeda, Kuwaasi oo si isdaba-joog ah u socday dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Tusaale ahaan, markii ay afka dhulka u gelisay Dowladdii xoogga badneyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa AU Maxamed Siyaad, Taasi oo rididdeeda ay u isticmaashay Jabhado Soomaali oo khaa’inu-wadaniyiin ah. Hadana waxaa xigtay in ay si hoose ula shaqeyso taageerayaashii SNM, si ay u kala jaraan Dalka. Hadana waxaa xigtay qorshe (federaal) kale oo ay u soo dhiiben taargeerayaashii SSDF, oo aad u jecel in ay dalaal ka noqdaan arimaha Soomaalida.
Markii ay intaasi oo dhan samaysay, Ayey hadda bilowday qorshihii ugu halisanaa, Kaasi oo ay ku doonayso in ay ku joojiso ama ay ku yareyso wabiyadeenna, gaar ahaan wabiga Shabelle, Ka dib markii ay wabigaasi saartay biyo-xireen aan war badan laga haynin xajmigiisa. Wabigan, ayaa ah kan ugu muhiimsan ee mara Dalkeenna, Maxaa yeelay waa midka ugu badan ee laga soo saaro inta badan waxyaabaha ka soo baxa Soomaaliya ee la cuno.
Haddii uu dhab noqdo macluumad uu bixiyey Agaasimaha Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Dr. Maxamuud Maxamed, Kaasi oo sheegay in uu jiro qorshe dhamaystiran oo Itoobiya ay ku doonayso in ay ku joojiso biyaha wabiga Shabeelle, gaar ahaan kuwa u soo gudbo dhanka Soomaaliya. Haddii uu dhab noqdo qorshahaasi, Taasi waxa ay ka dhigan tahay dagaal ay Itoobiya ku iclaamisay Umadda Soomaaliyeed.

Marka aad u fiirsato habdhaqanka Itoobiya, gaar ahaan siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, Waxaad dareemaysaa in uu soo socdo dagaal weyn oo dhexmara labadan Umadood, Kaasi oo aan markan waxba reebi doonin. Maxaa lagu tilmaami karaa siyaasadda cadaawadda ku dhisan ee ay Itoobiya la daba joogto Umadda Soomaalida ah ee aan waxba ka wadan ? Maxaase loo fasiran karaa qorshaha lagu joojinayo wabiyadan ?
Dhinaca kale, Dadka Soomaaliyeed ayaad moodda in ay ku jiraan hurda dheer oo aanayba ku baraarugsaneyn waxyaabaha dhacayo inkastoo ay sabab u yihiin kuwa sheegta siyaasiyiinta, balse aan Anigu u aqoonno khaa’inu-wadaniyiin. Sidee siyaasi loogu tilmaami karaa qof u adeegayo cadowgiisa, Islamarkaanna ku caanbaxay been iyo balan maran ?
Anigu ka muwaadin ahaan, Waxaan xaq u leeyahay inaan ka hadlo xaalka Dalkeyga iyo waliba waxyaabaha ku soo socda. Haddii aannu Anagu ka hadal xaalka Wadankeenna Yaa ka hadlayo ? Haddiise maanta laga hadli waayo, Goorma ayaa laga hadlayaa ? Maxayse faa’iido leedahay aqoontan, haddiiba aysan awoodin in ay difaacdo Dalka ?
Markan hadalka soo uruuriyo, Waxaad moodda in ay kala war la’yihiin Soomaalida iyo Itoobiyaanka. Tusaale ahaan, Itoobiyaanku waxa ay doonayaan in ay hantiyaan Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan, Halka Soomaaliduna ay Iyada isku mashquulsan tahay oo ay cadow isu aragto. Musiibadani , ayaa runtii ah mid dhib badan, oo ay adag tahay in laga baxo haddaanan la helin rag sidii Daraawiish iyo SYL oo kale ah.

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay, Waxa ay gacan ka geysan karaan in laga hortago khatarahan ka soo socda Itoobiya iyo waliba kuwa ku gacansiinayo damaceeda waaalan, Kuwaasi oo aan u malaynayo in ay ku jiraan dalal Soomaaliya afka tusinayo, balse Itoobiya hoos kala shaqeynayo. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda:-
1- In la joojiyo dhamman dagaaladan ay ku dhimanayaan raggii dalkan difaaci lahaa.

2- In la helo hanaan siyaasadeed oo cusub, Kaasi oo dalka ka saara dhibaatadan dabadheeraatay.

3- In la dhiso ciidan qaran, Islamarkaanna la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Umadda

4-In dalka laga saaro dhammaan ciidamada ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya.

5-In la dhiso warbaahin wadani ah oo ka shaqeysa danaha Umadda Soomaaliyeed.

6-In warbaahintu ka sheekeyso taariikhda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Xabashida Itoobiya.
Xusuusin: Qormadeenna danbe, Waxa aan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo, Cidda fiican jaahil wadani ah oo dalkiisa jecel iyo aqoonyahan tuug ah.

W/Q: Maxamed Ibraahim
Al-faatix1960@hotmail.com