Codsi ku socda qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo ku aaddan badbaadinta Dalka.

0

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi dimo, codsi aan u jeedinayo qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo ku aaddan badbaadinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Arintan ayaa igu dhalatay ka hadalkeeda, ka dib markii aan arkay halka uu xaal marayo iyo in dalkiiba uu gacan-galayo shisheeye aanan waxba wadaagin xilli rajo laga qabay nabad iyo dowladnimo ka dhalata Gayigeenna Soomaaaliya.

Inta aanan jeedin codsigayga iyo cidda uu ku socdaba, aan bal marka hore ka waramo xaalka Dalka iyo meesha uu marayo. Dalkeenna Soomaaliya, ayaa maanta marayo marxaladdii ugu xumid ee uu abid maro. Tusaale ahaan, Waxaa sii dhimanayo rajadii laga qabay nabad iyo dowladnimo dhalata, Maxaa yeelay waxaa sii baahayo coladdii sokeeye, halka uu dhinaca kalena si xowli ah u socdo daadashada dhiiggii dadkeenna magaca kastaaba ha lagu daadiyee.

Waxaa sii xoogaysanayo dhaawacii ku socday midnimadii iyo wadajirkii Dalka. Waxaa sii baahayo kala duwaanantii u dhaxaysay dadkii ku jira siyaasadda, halka talada inteedii badneydna ay u sii gacangalayso Shisheeye haba ugu horeeyaan cadowgii soo jireenka ahaaye, ka dib markii ay heleen fursado dahabi ah oo ay siiyeen qaar ka mid dalalka horbooda siyaasadda Caalamka, Kuwaasi oo aan dan iyo muraad ka lahayn Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale, Boob xoog lehi ku socdaa kheyraadkii Dalka. Ha ahaado kheyraadkaasi mid ku jira badda ama ha ahaado mid ku jira barriga. Waxaa iyana meel halis ah marayo mid ka mid ah wabiyaddi ugu muhiimsanaa ee mara Dalkeenna, Kaasi oo ay ku xiran tahay inta badan nolosheenna, ka dib markii wabigaasi la saaray biyo-xireen aan la isla ogeyn sida aad Adinkuba maqasheen.

Waxaa sii dhamaanayo waqtigii yaraa ee u haray Dowladda Federaalka ee hadda jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay ninka aan u malaynayo in uu Itoobiyaan yahay balse uu isqarinayo. Waxaa sidoo kale iyana socda dadaallo la doonayo in lagu aamusiiyo cid kasta oo doonaysa in ay ka hadasho shirqoolada socda, Iyadoo loogu hanjabayo xarig iyo dil, halka shicaarka loo marayana ay tahay la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada (qofka Aniga iyo waxa aan wato ka hoyimaado waa shabab iyo argagaxiso )

Waxaa Umaddii isku soo bahaystay wadamo kala ujeeddo ah balse wada shaqaynayo sida kuwa doonayo in ay dadkii gaaleeyaan, Kuwa shiiceeyaan, Kuwo kheyraadkii boobaan, Kuwo sun ku shubaan iyo waliba kuwa kalsoo Iyagana doonayo in ay dalkiiba qaataan, Iyagoo u sii marayo siyaasiyiin u badan beelaha Isaaq, Majeereen iyo Abgaal oo aad mooddo inayanba Soomaali u dhalan marka aad u fiirsato habdhaqankooda iyo waliba sida ay Umadda ula dhaqmayaan !

Marka aan Soomaaliweyney si dhab ah uga hadalno xaalka Dalka oo aanan runta ka warwareeganin. Waxaa xaqiiqdii muuqata khataro badan oo halistooda leh, Balse ay qurqurxinayaan siyaasiyiinta ka soo jeedda sedexda beelood aanu soo sheegnay, Kuwaasi oo u gacangalay hogaanka Dowladdii looga fadhiyey in ay Dalkan badbaadiso, Islamarkaanna ay Umadda u horseedo nabad iyo barwaaqo.

Haddaan dib ugu soo laabto codsigii aan u jeedinayey qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee la xariiray badbaadinta Dalka, Kuwaasi oo aan ku tuhmayo dareen umad (Soomaaliweyn) jacayl, mid gumaysi-diid iyo waliba mid kale oo wax iskacaabin ah. Codsigan, ayaa waxa aan kaga golleeyahay in beelahaasi ay badbadiyaan dalkan qarka u saaran in uu baa’abo ama gebigiiba la qaato. Maxaa haray walaalayaal haddii qof soomaali ah aanu awoodin in uu ka shaqeeyo xarun ku taallo gudaha dalkiisa ? !

Beelahan aan u jeedinayo codsigayga ayaa lafdhabar u ah Qowmiyadda Soomaalida, Waxaana ka mid ah kawa socdo :- Mariixaan, Habargidir, Ogaadeen, Xawaadle, Dhulbahante, Gaaljacel, Gudubiirse, Laalkase, Muransade, Duduble, Digil iyo Mirifle, Ciise, Biyo Maal, Warsangali, Awrtable, Jareer Weyne, Carab Soomaali, Reer Baraawe, Dagoodi, Garre.

Beelahan, ayaa awood u leh haddii ay isgarabsadaan in ay Dalkan ka badbaadiyaan cadowyadan isa soo bahaysatay ee ay horboodayaan siyaasiyiinta beelaha Isaaq, Majeerteen iyo Abgaal, Kuwaasi oo aad mooddo in ay ku qanceen in ay iyaga kaliya ay noolaadaan halka inta kalena ay dhimato. Ma weynan quduucnimo iyo xaasidnimo noqonaynin marka aad kaligaa cunto wixii lagu keenay magac dowlad Soomaaliyeed ?

Marka la mideeyo xoogga beelihii aannu soo sheegay, Waxaan hubaa runtii in Dalkan laga leexin karo jihada uu ku socda oo runtii ah jiho xun oo ay ku hareeraysan tahay khataro badan. Ma waanan Dalkan la badbaadin Karin marka ay isku siyaasad noqdaan beelaha Habargedir, Mariixaan, Xawaadle, Ogaadeen, Dhulbahante, Muransade, Gaaljacel, Gudabiirse, Leelkase, Ciise, Digil iyo Mirif, iyo waliba Jareer Weyne. Of course, Waa la badbaadin karaa waliba waqtiga ugu yar ayaa lagu badbaadin karaa.

Sow ma ogidiin in Beehani ay lafdhabar u yihiin Umadda Soomaalida, gaar ahaan marka ay timaaddo in cadow dibadda ah la iska dhiciyo. Sow ma ogidiin in Beelahani ay ku fadhiyaan dhulka ugu badani ee ay Soomaalidu ka degan tahay Geeska Afrika. Maxay qaadi karaan siyaasiyiinta sedexda beelood ee aanu soo sheegnay ee u raran gumaystaha madow iyo midka cad marka la mideeyo caqliga iyo dhaqaalaha beelaha ay ka midka yihii Xawaadle, Ogaadeen Mariixaan iyo Habargedir miyeynan taasi game changer noqonaynin ?

Anigu, Waxaan qabaa runtii haddii la helo gole siyaasadeed iyo mid dhaqan oo ay hormuud u yihiin beelihii aannu soo sheegnay in Dalkan laga badbaadin karo cadowyadan wajiyada badan. Waxaan sidoo kale qabaa in la dhisi karo hanaan siyaasadeed oo cusub, Kaasi oo Dalka ka saara dhibaatadan ku sii socota sanadkeedii lix iyo labaatanaad.

Wey nagu adag tahay runtii inaan ku sii jirno xaaladda aannu hadda ku jirno oo ah xaalad runtii aad u foolxun, Islamarkaana aan u qalmid Dadkeenna. Sidee ugu jiraynaa dhibaato aan dhamaad lahayn ? Sideese ugu jiraynaa xaq iyo xaqooti, gaajo iyo cabsi. Ma jirta miyaa xaalad kale oo lagu noolaan karo ? Maxaanse Anaga uga duwannahay bini’aadamka kale ee ku nool nolasha kale ee aad aragteen ee barwaada ah ?

Haddaan wax ka tilmaamo dhaqmada lagu arkay siyaasiyiinta beelaha Isaaq, Majeerteen iyo Abgaal oo runtii ah kuwa maanta calanka u sida qoryashaasha lagu burburinayo Dalkeenna. Tusaale ahaan, Siyaasiyiinta beesha Isaaq oo kale, Waxa ay doonayaan in Soomaaliya la kala jaro, Ka diba inta ay Dalka degan yihiin la hoos geeyo Ingiriis. Halka kuwa Majeerteenna ay doonayaan in inta soo hartay la sii kala qeybiyo, ka dibna la hoosgeeyo Itoobiya.

Amma kuwa Abgaal, Iyagu waxa ay doonayaan in ay hostage ahaan u haystaan caasimaddii Dalka, Magacii dowladnimo iyo wixii ku yimaada oo hanti ah, ka dibna inta kale ay gaajo u dhimato, Halka Beesha Caalamkana loo fududeeyo waxa alaale iyo wixii ay ka rabto Dalkan iyo Dadkiisa. Ma maqli jirteen hanti baa la bililiqeystay ? Hadda waxaan haynaa magac dowalnimo iyo wixii ku yimaaday oo la bililiqeysatay.

Dhaqamada lagu arkay Siyaasiyiinta Abgaal ee ku jira Siyaasadda Dalka ma’ahan runtii kuwa caadi ah. War maxaad ku tilmaami kartaan ninka saxiixay in qof Soomaali ah aanu ka shaqeyn Karin xarun ku taallo gudaha Dalkiisa sababo la xariiro inuu Soomaali yahay darteed ? Mase idinla tahay inaanu ogeyn qofkaasi waxa uu samaynayo ? No, He knows what He is doing but He doesn’t care this Nation, Waana sababtaasi sababta uu mar walba ula jiro dhanka cadowga.

Midda kale, Yaan loo qaadan inaan leeyahay beelahaasi ma lahan siyaasiyiin wanaagsan bal wey leeyhiin ,Balse su’aasha taagan ayaa waxaa weeye, Maxay uga duwan yihiin siyaasiyiinta beelahaasi siyaasyiinta kale ee Soomaaliyeed ? Jawaabtu waxaa weeye in ay danaha beelahooda ay ka hormariyaan danta guud ee Soomaaliweyn which is stupid idea. Ilaah baan Idinku dhaariyee ma danta guud (Soomaaliweyn) baan ka hormarin karnaa danta gaar ah (beesha) ? Kallaa wallaahi.

Si looga baxo xaaladdan xun ee ay hadda hormuudka u yihiin siyaasiyiinta ka soo jeedda beelaha Isaaq, Majeerteen iyo Abgaal oo ah kuwa maanta calanka u sida qoshayaasha laga leeyahay Dalkeenna oo ay ugu horeeyaan kala goynta, federaalismka iyo 4.5. Hadaba waxaa loo baahan yahay in loo diyaargaroobo muwaajaho dhab ah oo lala galo siyaasiyiinta beelahaasi iyo waliba kuwa kale ee Iyaga ku adeeganayo.
Si Dalkan loo badbaadiyo, Waxaa loo baahan yahay in la qaado dhowr talaabo oo ay ugu horayso in lagu guulaysto doorashada soo socoto oo runtii ah mid aad u muhiimsan, Bal aan ku tilmaami karo waxa af ingiriiska lagu yiraahdo do or die, oo macnaheedu yahay guulayso ama dhimo. Waa qasab in doorashada 2016 ay ku soo baxaan dad ka soo jeedda beelihii aannu soo sheegnay ee tirada badnaa sida Mariixaan, Habargedir, Ogaadeen, Xawaadle, Gaaljacel, Gudabiirse, Muransade, Leelkase iyo Dhulbahante.

Waa in ay dadkaasi noqdaan dad la soo xulay oo ay ku weyn tahay Soomaalinimada, Islamarkaana lagu aamini karo Dalkan iyo Dadkiisa hodanka ah. Waa in sidoo kale, Dadkaasi ay noqdaan dad ku shaqeeya rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed oo aysan dheg-jalaq u siinin shisheeye iyo waxa uu doonayoba. War ma caqli baa in talada gurigaaga aad u dhiibto nin kale oo aydan xitta isku luuqad ahayn ?

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr oo aan isleeyahay, Waxa ay badbaadin karaan Dalkan hodanka ah iyo Dadkiisa qiimaha badan. Waxaa talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda :-

1- In la dhiso gole siyaasadeed iyo mid dhaqan oo ay ku midaysan yihiin beelihii tirada badnaa ee aan soo sheegnay.

2-In beelihii aan soo sheegnay laga diyaariyo dadkii ka qeybgali lahaa doorashada soo socota oo runtii aad u muhiimsan.

3-In halgankan adag ay dhabarka u ritaan beelaha kala Habargedir, Mariixaan, Ogaadeen, Xawaadle, Dhulbahante, Gudabiirse, Muransade, Gaaljacel, Warsangeli, Leelkase, Biyamaal iyo Digil iyo Mirafle.

4-laga hortago in siyaasiyiinta Abgaal iyo Majeerteen ay ku guulaystaan doorashada soo socoto maadaama aysan dan ka lahayn Soomaaliweyn.

5-In laga horyimaado nidaamka federaalka iyo aragti kasta oo Dalka kala goynt karta xitta haddii loo marayo gumac rasaaseed.
W/D: Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com