WAR DEG DEG:- Barakac ka socda Deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe iyo KENYA oo dhibaato culus ku heysa Dadka Rayidka

0

Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ayaa laga soo sheegayaa in ay ka bilowdeen Barakac xoogan kadib markii ay diyaarado dagaal duqeymo ka fuliyeen deegaanadaasi.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga deegaanka Far Shabelle oo ku dhow degmada degmada Jilib ayaa Radio Shabelle u shegay duqeymo adag oo diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaankaasi islamarkaana weeraradaasi dhinaca cirka ah ay ka dhasheen khasaaro inkastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Sidoo kale qofkaan deegaanka ah ayaa intaas ku daray in ay dadka shacabka ah billaabeen barakac xoogan si ay u raadsadaan deegaano xasiloon.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo waxa ay ka geysanayeen deegaanno ku yaalla Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo wixii ka dambeeyay weerarkii Cuslaa ee Deegaanka Ceelcade.