TOP NEWS:- Wasiir Odawaa Oo Kulan Saacado Badan Qaatay la yeeshay mid ka mid ah Ugaasyada Gobolka Hiiraan.

0

Xalay waxaa kulan saacado badan qaatay uu ku dhexmaray Magaalada Balaweyne ee Gobolka  Hiiraan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliig Ugaas Rooble.

Kulanka oo Muhiimadiisu ahaa shirka Jowhar sidii looga qeyb gali lahaa ayaan la ogeyn Natiijada ay isla gaareen.

Reer Hiiraan saluugsan qeyb ahaan waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay u soo qondeysay Ergada u mataleysa shirka Jowhar.

Dowladda Dhexe ayaa waqti iyo dadaal ku bixineysa sidii Odayaasha Hiiraan ay ugu soo celin lahayd Madasha Magaalada Jowhar.