TOOS U DHAGEYSO:- AL SHABAAB oo dhaq dhaqaaqyo Culus ka wada Xarardheere iyo Ciidamada Galmudug oo Heegan la geliyay

0

Xoogaga Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug, iyadoo ay Khamiistii Bariga Gobolkaasi dagaal culus kula galeen Ciidanka Maamulka Galmudug.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya xoogag ka tirsan Shabaabka oo wata 11 ka mid ah gaadiidka dagaalka inay u ruqaansadeen Bariga Gobolka Mudug.

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), ayaa sheegay inay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ay Shabaabku ka wadaan Degmada Xarardheere.

Madaxweyne Ku Xigeenka waxaa kaloo uu sheegay in Galmudug ay u diyaar garowday dagaal adag, oo ay la gasho Shabaabka ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan Degmada Xarardheere, Cammaara iyo Ceelhuur.

Isagoo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Gaalkacyo, ayuu dadka reer Galmudug uu ku baraarujiyay inay u diyaar garoobaan dagaal ay la galaan Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sidoo kale reer Galmudug ugu baaqay in nin kasta uu kaga qayb qaato, wixii itaalkiisa ah dagaalka ay kula jiraan Shabaabka laga soo Saaray Deegaanada Maamulka Puntland

Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa Dhinaca Kale Qeylo Dhaan udirsaday Beesha Caalamka oo Laxiriirta in Maamulkooda Lagu Gacansiiyo Dagaalka ay Kula Jiraan Shabaab

HALKAAN KA DHAGEYSO