SAWIRO:- Madaxweynaha oo kulamo gaar gaar ah Magaalada Baladweyne kula leh odayaasha dhaqanka G/Hiiraan

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne Ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne Ku Soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Fadaraalka Xukuumadda Soomaaliya, Gduuddomiyaha Gobalka Hiiraan iyo xillibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu halkaasi gaaray waxa uu bilaabay inuu kulamo gaar gaar ah la qaato siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fadaraalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Odawaa oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada B.weyne.

Kulamada Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii Odayaasha dhaqanku ay dib ugu laaban lahaayeen wadahadalada lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

BeautyPlus_20150830224942_fast boqasho-mdxweyne-bweyne-1 boqasho-mdxweyne-bweyne-3 boqasho-mdxweyne-bweyne-4 boqasho-mdxweyne-bweyne-5 boqasho-mdxweyne-bweyne-6 boqasho-mdxweyne-bweyne-9 boqasho-mdxweyne-bweyne-11