Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Garoowe

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta gaaray magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Waxaa magaalada Garoowe Wafdiga Ra’isal Wasaaraha ku soo dhaweeyay

Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkisa iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga Ra’isal Wasaaraha uu hogaaminayo ayaa loo gudbiyay aqalka madaxtooyada halkaaso lagu wado in saxaafada ay kula hadlaan saacadaha soo socda.

In kastoo aan la sheegin waxay saxaafada usoo bandhigayaan haddana waxaa la rumaysan yahay socdaalkiisa Sharmarke ee Garowe inuu xambaarsan yahay sidii Puntland loogala hadli lahaa moqqifka ay ka istaagtay qaadashada nidaamka 4.5.

Wararka ay bulshadu hadal hayaan ayaa ah in haddii Puntland ay diido inay nidaamkaasi qaadato ay suurta gal tahay dowladda Federaalka in muddo loogu daro si xal loogu helo arrimaha muranku ka taagan yihiin.