Mareykanka oo Dastuur Cusub u sameynaya Dalka Syria

0

Xog’hayaha arrimaha dibbada Maraykanka John Kerry ayaa ka sheegay magaalada Moscow ee xarunta dalka Rushka in dastuur cusub loo sameynayo dalka Syria marka la gaaro bisha August ee sanadkaan.

John Kerry waxaa uu sheegay in 4 saac oo uu wada hadal toos ah lalha M/weynaha Rushka Vladamir Putin kadib ay isla garteen in dastuur cusub loo sameeyo dalja Syria six al looga gaaro dhibaatada 5 sanno jirsatay ee dalkaasi ka taagan.

Sidoo kale Kerry waxaa uu sheegay in M/weyne Puttin isla garteen in dawlada Syria ka jirta iyo kooxaha mucaaradka ah lagu cadaadiyo inay wada hadalada nabada dadajiyaan oo ay heshiis gaaraan.

Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka John Kerry oo wax laga weydiiyay inuu M/weynaha Rushka kala hadlay mustaqbalka Syria waa uu ka gaabsaday.