Maqaal: Wasiir Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini Sade Iyo Soomaaliba Ma Aadan Gabin, Mana Aadan Gadan, Mahadsanid.

0

Soomaalida qofka wanaaga galla ma buun buuniyaan mana sheegaan, reerka Sade ee aan ka dhashayna kumaba sii jiraan, balse maah maah ayaa oranysa, Nin Amaantii Meershaa Waa Ri Ismaashay, Tukalaase Beenisay oo dhahaysa Haddii Lagu Mooso Kartaa Leysku Moojaa.

Waxaa xaqiiqo ah oo aan qirayaa maanta in Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini inuu Gabin Kaalintii ay ka sugeyeen dadka iyo deegaanada SADE, Sidoo kalena Wasiir Diini waxaa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah inuusan gabin amaba uu gadan (iibsan) kaalintii ay ka sugayeen  guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Waxaa maanta qalinka u qaatay inaan waxqabadka Wasiir Diini aan wax yar ka iftiimiyo Guulaha uu kasoo hoyiyay dib u heshiisiinti Guriceel, Galguduud Iyo Jubbaland, sidaa awgeed waxaana doonayaa inaann Anigoo ku hadlaya magaca Sade iyo Soomaaliba iraahdo amaba dhaho waan hubaa hadaadan waqti iyo juhdi galiseyn in uu dhaceyn ama suuragaleen Heshiiska Jubbaland, Sidaa awgeed Mahadsanid Mudane Wasiir Diini, Sade Iyo Soomaaliba Ma Aadan Gabin, Mana Aadan Gadan, waxaadna tahay Wasiirkii ugu horeeyay ee ka dib 1991 burburkii dowladda dhexe  beesha Sade wax la taaban karo u sameeyay ama uga tagay.

Dib u heshiisiinta, ma ahan wax sahlan gaar ahaan marka aad doonayso in aad heshiis dhex dhigto dad Soomaaliyeed, Heshiiskii Guriceel iyo Jubbaland-na kumaba aysan sii jirin dowladda Soomaaliya oo cid walbaa la kaashatay ayaa xal u weyday, waa guul in maanta adigoo mudo ku dhaw Sanad wasiir ahaa inaad Heshiiskii guul kasoo hoyisay Degmada Guriceel Galguduud iyo Jubbaland.

GEN DIINI

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, waa shaqsi ay aad uga fog tahay qabyaalada, waa shaqsi leh aqoon Diini, Maadi iyo Militariba, waana shaqsi daacadnimo ay ka tahay Nabadda iyo Soomaalinimada, islamarkaana Ahlu Diin ah, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa uga baryayaa inuu aduunka ku guuleeyo dadaalka uu wado ee dhan walba ah, aaqiradiisana ka abaalmariyo.

Gabagabadii Waxaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka aan ka dhashay ee Sade ee dhagaha iyo indhaha la’a ugu baaqayaa waligiin mid xasuusnaada ruuxa xun lama taageero ee ruuxa wanaagsan ayaa la taageeraa, waligiina barta qofka daacada u ah Sade iyo Soomaali ee bulshada dhamaanteed gaarsiin kara Nabada iyo Horumarka.

Hoos Ka Daawo TV-ga Jubbaland Iyo Warkii Heshiiskii Jubbaland

Wabilaahi Towfiiq

W/Q: Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed

Fiiro Gaar Ah: Marnaba Ma Dhicin Mana Dhaceyso Inaan Taageero Ama Maciisa Noqdo Nimaan Sade Iyo Soomaaliba Waxba Tari Karin.