John Kerry oo sheegay in Kooxda Daacisha aysan dunida baabi’in karin

0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa dalka Belgium gaarsiiyay farriin ka dhan ah ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Brussels waxa uu ku sheegay in dunida aan la handadi karin.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in waji jihaad aysan caalamka ku halaagi karin kooxda Daacish.

Brussels waxaa isbuucan ka dhacay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen.

Waxa uu sidoo kale mr Kerry sheegay in sababta ay Daacish weerarada uga fulineyso meel ka baxsan bariga dhexe ay tahay “in khilaafadooda ay ku dhowdahay burbur”.

Waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu gacan ka geysanayo sidii kuwii weeraray Brussels loo horkeeni lahaa cadaaladda.

Xilli sii horeysay booliska Belgium waxa ay xireen lix qof kaddib howlgal ay ka fuliyeen Brussels.