DHAGEYSO+SAWIRO:- Safarka Ra’isal Wasaaraha ee Garoowe iyo Gaas oo qodobo hordhac ah hor dhigay Ra’isal Wasaaraha

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta gaaray magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Waxaa magaalada Garoowe Wafdiga Ra’isal Wasaaraha ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkisa iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa si wadajir ah saxaafada Shir Jaraa’id ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in Ra’isal Wasaaraha uu u yimid Magaalada Garoowe si ay ugu wada hadlaan isbedelka la filayo inuu dalka ka dhaco iyo Arrimo la xiriiro doorashada soomaaliya.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa marka hore u Hambalyeeyay Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland dagaalada ciidamada Puntland ay la galeen Al-Shabaab.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu soo horjeestay nidaamka Madaxda Dowlada iyo maamul goboleedyada dalka qaarkood ay isla garteen ee ah beelaha soomaaliya ay wax ku qeybsadaan nidaamka 4.5, waxaana Maamulka Puntland ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin in nidaamka deegaanka wax lagu qeybsado.

Hoos ka Dhageyso Codadka C/weli Gaas iyo Ra’isal Wasaraha:-

IMG_3490 IMG_3494 IMG_3496 IMG_3497 IMG_3498 IMG_3499 IMG_3500 IMG_3503 IMG_3510 IMG_3517 IMG_3521 IMG_3524 IMG_3529 IMG_3537