DHAGEYSO:- Xildhibaanada Kenya oo wali Su’aalo la xiriiri Xasuuqa ciidamada Kenya loogu geystay Ceel-Cadde weydiiyay Wasiirka gaashaandhiga

0

Xildhibaanmada dalka Kenya ayaa su’aalo la xariira khasaaraha askarta Kenya weerarkii Ceel-Cadde weydiiiyay wasirka gaashaandhiga dalkaasi Raychelle Omamo iyo saraakiil oo kale oo ciidan.

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya waxaa ay wasiirka iyo saraakiisha la waraystay weydiyeen tirada rasmiga ah ee askartii ku qaxyeelowday weerarkii Ceel-Cadde Al-Shabab ku qaadeen bartamihii bishii January ee sanadkaan.

Al-Shabab weerarkaasi waxay ku sheegteen inay dileen in ka badan 100 askari toboneeyo kalena ay maxaabiis ahaan u wateen.

Xildhibaanada Kenya wasiirka waxay weydiiyeen su’alo adag waxaana xildhibaanadu sheegeen in dadka Kenya willi la jahwareersan yihiin khasaaraha askartooda kasoo gaaray weerarkaas.

Xildhibaan Barre Shiil oo baarlamaanka Kenya ka tirsan ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay baahinta tirada rasmiga ee askarta waxyeeladu gaartay.

Wasiirka gaashaandhiga Kenya Raychelle Omamo waxaa uu sheegtay in su’aalaha aysan jawaab u aheyn oo ay adag tahay in hadda xildhibaanada loo sheego khasaaraha rasmiga ee askartooda kasoo gaarta.

HALKAAN KA DHAGEYSO