DHAGEYSO WAREYSI:- 20 qof oo Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyooday Magaalada Jowhar

0

Tan iyo markii biyo yarida lagu arkay wabiga Shabeele, dad ka badan ilaa 20 Qof ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday Magaalada Jowhar.

Cudurka ayaa dad badan kusoo ritay tuulooyinka Maandheere, Raqeyle iyo Bacaadley oo hoos taga degmada Jowhar.

Waxaa sidoo kale jira dad badan oo cudurka uu soo ritay oo isbitaalka la dhigay, kuwaas oo u badan carruur.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta:-