DHAGEYSO:- Siyaasi Cali Seeko oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowlada

0

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay waxa sababta u ah Al-shabaabkii ka soo baxsaday deegaanada Puntland in ay weerar ku qaadaan maamulka Galmudug.

Cali Seeko ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay gacan buuxdo ka siiso Galmudug dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay baaqna uu u diray shacabka ka soo jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland in ay garab istaagaan ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab.

Baaqa siyaasi Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ururka Al-shabaab ay horey u weerareen deegaano ka tirsan Puntland, iyadoo shalayna ay weerar ku qaadeen deegaanada Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-