DHAGEYSO:- Saraakiisha Puntland oo sheegay iney weli ku raad joogaan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayo deegaanadooda

0

Taliyaha guutada 2aad ee ciidamada Maamulka Puntland Kornell Jimcaale Jaamac Takar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii ay Al-Shabaab uga saareen deegaanada Puntland, gaar ahaana deegaanka Garacad, isagoo sheegay in ay khasaaro badan gaarsiiyeen.

Taliyaha ayaa sheegay in ay dileen inta badan Hogaamiyaashii kooxdan, wuxuuna sheegay in ay taasi markhaati ka tahay, maadaama lasoo bandhigay agabyadii ay wateen oo ay ugu horeeyaan Laptop-yadii ay isticmaali lahaayeen.

Kornell Jimcaale ayaa sheegay in ay Shabaab tuseen in aysan Puntland aheyn meel layska soo gali karo, wixii la doonana laga sameyn karo, wuxuuna si aad ugu mahad celiyey taageerada Shacabku ay siiyeen ciidamada Difaca.

Hoos ka Dhageyso Codka:-