DHAGEYSO:- PUNTLAND oo sheegtay Al-Shabaabkii weeraray Deegaanada Xeebaha inay si Tahriib ah ku soo galeen

0

Taliyaha guud ee ciidamada boliiska maamulka Puntland General C/risaaq Afgaduud ayaa waxa uu ka hadlay shabaab uu sheegay in qaab tahriib ahaan ah ay u soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay shabaabkii dhowaan ay kula dagaalameen gobolada Mudug iyo Nugaal ciidamada Puntland in ay soo galeen magaalooyinkaasi.

Waxa uu shacabka uga digay in ay ka feejignaadaan in ay soo dhaweeyaan qof aanay garaneyn isagoo sheegay in howlgal adag uu socodnayo kuwaas oo lagu baarayo dadkaasi.

Dhanka kale taliyaha guud ee ciidamada boliiska maamulka Puntland General C/risaaq Afgaduud ayaa digniino waxa uu u diray milkiilayaasha gaadiidleyda, waxaana uu sheegay in qaab aan la ogeyn Shabaab ay u soo galiyaan shabaabka ka imaanaya deegaanada Koonfureed.

Maamulka Puntland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay dagaal adag kala soo horjeedeen Shabaab gaaray deegaan xeebeedyada maamulka Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO