DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Xaflad Maanta ka dhacday Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulka uu hogaamiyo ay ka go’antahay iney xididada u siibaan haraadiga maleeshiyaadka Al shabaab ee ku dhuumaaleeysanaya deegaanada Galmudug isagoo dhanka kalana ugu baaqay shacabka Galmudug in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka ayna kusoo wargaliyaan cid kasta oo ay ku tuhmaan in uu xiriir la leeyahay maleeshiyaadka Al shabaab.

“Sida aad la socataan waxaa haatan socda howlgalo lagaga hortagayo argagixisada  Al shabaab marka waxaan ugu horeeyn idinkaga mahad celinayaa bulshada Mudug sida aad markasta ula shaqeeysaan maamulka isla markaana aad uga gacan siisaan ciidamada sugida amaanka maanta waxaa laydinka rabaa inaad sii laba laabtaan dadaalkiina”  ayuu yiri

Hoos ka Dhageyso Codka:-