DHAGEYSO:- Jubbaland oo Faah faahin ka bixisay howlgal ay ku dishay sarkaal shabaab ah

0

Axmed Maxamuud Carab Afhayeenka hey’adaha amaanka ee maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dil loo geystay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidamada maamulka Jubbalnd howlgal ay qaadeen ku dileen sarkaalka ka tirsan Al-shabaab.

Waxaana dhanka kale uu sheegay in ay wali socdaan baaritaano kale oo ku aadan saraakiil Al-shabaab ka tirsan in ay ku sugan yihiin duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada maamulka Jubbaland mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka socday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Jubbalnd iyo kuwa AMISOM oo la doonayao in Al-shabaab looga saaro saldhigyo iyo badan oo ay ku sugan yihiin kuna yaalla deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

HALKAAN KA DHAGEYSO