DEG DEG:- Dab Xoogan oo goor dhaw ka kacay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa goor dhaweyd Ceel biyood ku yaalla meel u dhaw Xarunta Degmada Shibis ka kacay Dab xoogan oo laga dareemay Xaafadaha Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegayaa inuu khasaaro nafeed geystay, waxaana la sheegay in ceel biyoodka uu dabka ka kacay ay ku ag yaaleen guryo ay degan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dabka uu ku faafay guryo kale oo ka ag dhawaa ceelka uu dabka ka kacay.

Gawaarida dab damiska ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa goobta gaaray oo ku howlan daminta dabka.

wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com..