Ciidamada Maleysiya oo xiray 15 ruux oo lala xiriiryay Kooxda Daacish

0

Masuuliyiinta dalka Maleysiya ayaa sheegay in igu yaraan 15 ruux oo lala xiriiriyay Kooxda Daacish in lagu xiray Magaalada Kuala Lampur.

Dadkan ayaa lagu eedeynayaa in weeraro qorsheysan ay ka abaabulayen Dalka Maleysiya gaar ahaan Caasimada Kuala Lampur sida aan ka soo xiganay BBCda.

15 qof waxa ku jira Sarkaal Boolis ah waxaana dhamantood looga shikisan yahay Kooxda Daacish.

Waxa ku jiray sido kale 4 dumar ah oo doonayay iney u safran Dalalka Suuriya iyo Ciraaq waxa ayna da’dooda u dhaxeysaa 22 ilaa iyo 49 sanno.