UPDATE:- Booliska Kenya oo ka war helay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan Weeraro Aargoosi ah

0

Booliska Dalka Kenya ayaa soo saaray digniin dhinaca amaanka ah oo la xiriirta in Al-shabaab ay weerarro ka geystaan gudaha Dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya oo lagu magacaabo George Kinoti., ayaa sheegay in Al-shabaab ay hadda ka baxayaan Koofurta Soomaaliya iyaga oo galaya gudaha Dalka Kenya si ay uga aargoostaan Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee kula dagaallamaya Gobollada Jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay Afhayeenkaasi.

Hay’adaha Sirdoonka Kenya uu sheegay in ay soo gudbiyeen Xog ku saabsan qorshaha weerarkaasi,waxaana uu dadka Shacabka ah ka codsaday in ay feejignaadaan Ciidankana war geliyaan haddii ay la kulmaan qatarro amaanka ah.

Ilaalada Hoteellada, Mootooleyda iyo Dadka Waardiyaha ka haya goobaha Ganacsi ayaa la faray in ay taxaddar muujiyaan,iyada oo si gaar ah ilaalada loo amray in ay baaritaan Kaamira ah marsiiyaan dadka ay la falgalayaan.

Afhayeenka Ciidanka Kenya David Obonyo,ayaa sheegay in 34 Xubnood oo ka mid ah Al-shabaab ay ku dileen degaanka Raas Kambooni ee Jubbada hoose, islamarkaan ay suuragal tahay in Al-shabaab ay weerarro aargoosi ah ka fuliyaan gudaha Kenya,.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerar ay kuq aadeen Ciidanka Kenya oo marayay degaanka Qooqaani ee Jubbada hoose ay ku dileen 12 Askari oo Kenyaan ah,2 kalena ay Nolsha ku wateen inkasta oo Kenya ay beenisay.