TOOS U DHAGEYSO:- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in wax laga qabto Abaaraha ka jira Dalka

0

Kulan maanta Muqdisho ay kuyeesheen Masuuliyiinta Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa ay kaga arinsadeen Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Gobalada dalka Soomaaliya oo ay saameeyeen dadka iyo duunyada ku dhaqan dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay meelaha ugu badan oo ay saameeyeen abaaraha, khasaaraha ilaa hadda la ogyahay iyo dhibta bulshada ay ku heyso Marnaanshaha Biyihii Wabiga Shabeelle oo Guray Xiligan.

Ugu Horeyn waxaa Madasha ka Hadlay Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed wuxuuna madasha ka Akhriyay Bayaanka ay Soo Saareen Maanta.

Afayeenka Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa isaguna Dhankiisa Baaq ujeediyay Madaxda Dalalka Caalamka Islaamka Gaar ahaan Kuwa Dhaca Khaliijka.

Gurxan ayaa Tilmaamay in Xiligan ay Jirto Abaaro Baahsan taasoo looga baahanyahay Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeedba iney u istaagaan sidii ay Gurmad ugu Sameyn lahaayeen Dadka Dhibaateysan.

Deegaanada ugu Daran ee Abaaruhu Saameeyeen ayaa ah Somalialnd waxaanna Socda Dadaalo la isugu dayayo in wax loo qabto dadka ay Abaaruhu Halakeeyeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO