TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo beenisay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen Gaadiid iyo Ciidamo

0

Ururka ALshabaab ayaa barahooda internet-ka kusoo bandhigay sawiro muujinaya gaadiid dagaal oo ay ku xardhan yihiin calanka Soomaaliya oo ay sheegeen in lagu qabtay dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay in hubkaasi iyo gaadiidka lagu qabtay dagaal ka dhacay deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa horay u sheegay iney dileen Askar badan oo ku sugnaa deegaanka Laanta Buuro.

Axmed Absuge oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in aysan waxbo ka jirin gaadiidka iyo hibka faraha badan oo ay soo bandhigeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay qaateen oo keliya 3 gaari oo kuwa Ciidanka ah, waxa unna tilmaamay in ay ka soo celiyeen gaadiid kale.

Ma jirto Illo Madax banaan oo Xaqiijinaya Sheegashada Al-shabaab ee ah Dilka Askarta Ciidanka Dowlada ka tirsan iyo Gaadiidka dagaal iyo hubka oo ay soo bandhigeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO