SAWIRRO: Faah-faahin qaraxyo ka dhacay garoon ku yaala Belgium-ka

0

Labo qarax ayaa lagu soo waramayaa iney ka dhaceen garoonka diyaaradaha Zaventem ee magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka sida saraakiisha amaanka ay sheegeen.

Waaxda dabka ee dowlada Belgium-ka ayaa warbaahinta u sheegtay in ugu yaraan dad ay ku dhinteen ayna dad kale ku dhaawacmeen,inkastoo booliska ay sheegeen in hal ruux uu ku dhintay.

Lama oga waxyaabaha sababay qaraxyada ka dhacay garoonka diyaaradaha ee ku yaala magaalada Brussels , waxaana garoonka laga daad gureeyay dadkii ku jiray iyadoo la joojiyay duulimaadyada garoonka.

Saraakiil ka tirsan garoonka diyaaradaha ayaa xaqiijiyay dhimashada 13 ruux iyadoo ay suurogal ay tahay in tirada intaasi ka badato sida saraakiisha laga so xigtay.

Maamulka garoonka diyaaradaha ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray in labo qarax garoonka ka dhaceen, waxayna ka digeen in loosoo dhawaado aaga garoonka oo ciidamada howlgal ay ka wadaan.

Qaraxyada ayaa kusoo aaday afar maalin ka hor iyadoo laga qabtay magaalada Brussels Saalax Cabdisalaan oo ahaa dadkii ka dambeeyay weerarkii Paris ka dhacay bishii November ee sanadkaan.

Sidoo kale qarax kale ayaa ka dhacay meel ku dhow xafiisyada hayadaha midowga Yurub, ee Maalbeek Metro Station.

1 2 3 4 5