Kulan looga hadlayay Xeerka Saxaafadda oo la qabtay

0

Barnaamij looga doodayay Hirgelinta xeerka cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo ay soo qaban qabisay Xarunta warbaahinta iyo wada hadalka ee (CMD) ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka  wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska  Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha wakalada wararka soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al-cadaala,Xogahayaha guud ee xarunta CMD Cabdulahi Maxamed Xuseen Taajirow,gudoomiyaha ururka Suxufiyinta qurba joogta Somaliyeed ee SEJASS Saciid Xasan Anteeno iyo qaar kamid ah agaasimayaasha iyo Suxufiyiinta ku dhaqan dalkani kenya.

Bilowgii barnaamijka ayaa Agaasimaha wakalada wararka soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala waxa uu sharaxaad ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray xeerka cusub ee saxaafada Soomaliya iyo sida loogu baahanyahay in Suxufiyiinta Soomaliyeed ay uga qeyb qaataan Hirgelinta xeerkan.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa C/laahi Colaad Rooble iyo agaasimaha wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Yuusuf Shiikh Al-Cadaala ayaa waxa ay ka mid ahaayeen gudigii dib u eegista ku sameeyay xeerka saxaafada Soomaaliya.

“Xeerkani waxa uu xooga saarayaa sadax arrimood oo ay ka mid yihiin in suxufiga loo sameeyo shuruurc iyo astaan u gaar ah iyo sharci difaacayo qofka suxufi ah,hadii labada dhinac midkood uu xad gudbo halka loo noqonayo oo ah gudiga madaxa banaan ee la sameeynayo”Ayuu yiri agaasimaha wakaalada Wararka SONNA C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Barnaamikan dooda ahaa oo suxufiyiinta ku sugan Kenya loogu sharaxaya xeerka cusub ee saxaafada Soomaaliya  ayaa sidoo kale waxa ay wariyayaasha ka dhiibteen Aragtidooda, iyagoona su’aalo dhowr ah oo ku saabsan qodobada xeerka saxaafada weydiiyay wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha SONNA,iyagoona si kooban jawaabo uga bixiyay su’aalihii ay weydiiyeen wariyaasha.

Wasiir ku xigeenka  wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble oo gabagabadii hadalo dar daaran ah u jeediyay suxifiyiinta,waxa nauu balan qaaday in wasaarada ay kala shaqeynayso suxufiyiinta wixii suura gal ah oo ku aadan sidii wax looga badali lahaa qodobada ku qoran xeerka saxaafada.

“Aayad quran ah ma ahan xeerka oo aan waxba laga badali Karin,waxayna ku xirantahay mas’uuliyiinta howsha gacanta ku heyso,hadii  ay saxufiyiintu wax suurta gal ah sheegaan wasaarada waxay ka shaqeynaysaa sidii wax looga qaban lahaa”Ayuu yiri wasiirka ku xigeenka Warfaafinta C/laahi Colaad Rooble.

Xeerkan cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo heerar kala duwan soo maray,isla markaana bishii Janaayo ee sanadkan uu saxiixay madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa  sidii loo hir galin lahaa ka dooday Suxufiyiiinta ku dhaqan Kenya.