Donald Trump:- “Qaraxyadda Brussels darteeda, haddii la ii doorto Madaxweyne, waxaan xirayaa xuduudaha Maraykanka”.

0

Musharaxa u taagan Xilka Madaxtinimadda ee Donald Trump ayaa hadalkaasi sheegay mar uu maanta ka hadlayey qaraxyaddii ka dhacay caasimadda dalka Belgium ee Brussels, wuxuuna sheegay in Dhacdada maanta ku khasbayso inuu xiro xuduudka Maraykanka.

Waxa uu sii raaciyey:- “Waan xiri doonaa Xuduudaheenna, waxaana nahay kuwo doqomo oo aan taxadar lahayn”.

Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Republican-ka waxa uu Twitterkiisa soo dhigay Digniin uu u jeediyey Dadka Maraykanka, isagoo ugu baaqay inaad u feejignaadaan.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii in ka badan 34 qof ku geeriyootay, 170-kalena ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha iyo Maxadada laga raaco Tareenadda dhulka hoostiisa mara ee magaalladda Brussels.

Trump waxa kale oo bartiisa Twitterka dhigay inaysan Belgium ka duwanayn Maraykanka, loona baahan yahay in la yeesho feejignaan caaqilnimo leh.

Dhinaca kale, Maalqabeenkaasi waxa uu Wareysi kale siiyey Telefishinka NBC ee Barnaamijka Maanta, waxa uu yiri: “Ka Madaxweyne ahaan…Aniga waxaan ku adadkaan doonaan Xuduudaha, mana oggolaanayo inay dalkeenna soo galaan dadka qaarkooda haddii aysan wadanin Dukumentiyo  dhamaystirnayn”.

Musharaxa Donald Ronald ayaa u muuqda Maalqabeen galti ka ah Siyaasadda iyo Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna ku il-duufayaa Balaayiinta Dollar ee uu haysto oo uu u maleeyo inuu ku tiigsan karo Doorashadda  Madaxtinimadda.

Waxa uu horey u soo bandhigay Siyaasad uu ku muujiyey Nacaybka uu u hayo Islaamka, wuxuuna mar kale xalay sii sheegay haddii uu Madaxweyne noqdo inuu Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin Israel u soo wareejin doono magaalladda Quddusta la-haysto (Jerusalam).

Tallaabadaasi ayaa muujinaysa inuu Donald Trump yahay Nin ku Aragti ah Naasigii Hitler, haddiiba uusan ka sii liidanin.