DHAGEYSO:- PUNTLAND oo sheegtay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab inaan garab lagu siin Xitaa Dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

0

Madaxweyna Maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo Saxaafada kula hadlaayay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in aan laga caawin Dagaalada ay kula jiraan ururka Al-Shabaab oo weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan Puntland.

Mr Gaas ayaa ka dhawaajiyay in beesha Caalamka looga baahnaa inay Maamulka Puntland u taageerto sida ay dowlada Soomaaliya kala qeyb gasho dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab.

Hadalkaan madaxweyne Gaas ayaa ku soo aadaya Xilli dhowaan dowlada Soomaaliya ay sheegtay in labo diyaarad oo sida saanado military loo diray Puntland si loo soo afjaro dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO