DHAGEYSO:- Booliska Gobolka Banaadir oo qabtay Rag Beer Xashiish ah ku lahaa Muqdisho

0

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka waxaa ay gacanta ku dhigeen 6 Ruux oo isugu jira Rag iyo Dumar,kuwaas oo Beer Xashiish ah ku leh Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodon.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta tagay aya Saxaafadda us oo bandhigay Dadka lagu soo qabtay Beerta Xashiishka ah ee ay ku lahaayeen degmada Hodon.

Guddoomiyaha Gobolka Bnaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay halka ay ku taallo Beerta Xashiishka ah oo ku dhex taallay Xero Barakacayaal ay degganyihiin ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amaanka iyo Shacabka wada shaqeyn dhexmartay ay suuro gelisay in gacanta lagu dhigo Dadka iyo Beertii ay tacbanayeen.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa Dadka ku dhaqan Gobolka ka codsaday in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ciidamada Amaanka si wax looga qabto amni darrada iyo Maan dooriyaha.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre ayaa isna sheegay in Xeradan ay Booliska iyo Dadkuba ku ogaayeen meel ay deggan yihiin dad barakacayaal ah aysanna ka filaneyn in Beer Xashiish ah lagu beero meel ay degganyihiin Dadka Barakacayaasha ah.

Hoos ka Dhageyso Codka, kana Daawo Sawirada:-

beer Xashiish ahayd