DHAGEYSO:- Biyo La’aan daran oo ka jirta deegaanada gobolka Sh/Dhexe

0

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan deegaanada hoos taga magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cabasho balaaran ka muujiyay biyo la’aan ka jirta deegaano dhowr ah oo Shabeelaha Dhexe ka tirsan.

Biyo la’aanta ugu daran ayaa ka jirta deegaano ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle, maadaama dadka deegaanka ay ku tiirsanaayeen biyaha wabiga uu wado.

Wax soo saarka qudaarta iyo miraha kale ee ka baxa deegaanada Shabeelaha Dhexe ayaa gaabis ku yimid, maadaama beeraleyda aysan heysan biyo ay ku waraabiyaan beerahooda.

Dadka ayaa waxay biyo ka raadsadaan goobo fog fog oo biyo yar ay ku jiraan, halka qaarkoodna ay sheegeen iney bartamaha wabiga gotaan si ay biyo uga helaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-