DAAWO SAWIRRO:- Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyada Magaalada Brussels ee dalka Belgium

0

Ku dhowaad 28 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyo ruxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, iyadoo qaraxyadan ay ka kala dhaceen Garoonka diyaaradaha magaalada iyo goob tareenada dhulka hoostiisa mara laga raaco.

Labo qarax oo xiga ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Zaventem ee magaalada Brussels, waxaana qaraxyadan ay dhaceen, xilli lagu jiray safka dadka ka dhoofaya garoonka oo maraya goobta laga fiiriyo tikidhada iyo baasabooradooda oo ahaa Miiska Shirkadda Diyaaradaha ee American Airlines.

Jahwareer badan ayaa ka dhashay garoonka, markii qaraxyada dhaceen, iyadoo dadka ay ka cararayeen, dad badan oo ku jiray gudaha garoonka ayaa markii dambe dibada loo soo saaray.

Qaraxa ka dhacay garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 13 ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana la xaqiijinayaa inuu ahaa mid ismiidaamin ah.

Warbaahinta Belgium ayaa sheegeysa in qaraxa ka hor la maqlayay dad ku qeylinayay luqada carabiga oo loo maleynayo inay is qarxiyeen.

Dhismaha Terminalka garoonka ayaa aad u buray, iyadoo ay soo daateen muraayadihii daaqadaha iyo albaabada.

Saacad kadib ayaa waxaa qarax laga maqlay goobta tareenada dhulka hoostiisa ah oo lagu magacaabo Maelbeek oo ka tirsan magaalada Brussels, qaraxaas ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa weerar is qarxin ah oo ka dhex dhacay gudaha Tareenka.

Halka qaraxyada ka dhaceen ee goobta tareenada laga raaco ayaa u dhoweyd xarunta Midowga Yurub, waxaana markii qaraxyada la maqlay la xiray gebi ahaanba xarumihii Midowga Yurub.

Qaraxyadan gil gilay magaalada Brussels ayaa ku soo beegmay, afar maalmood kadib markii la qabtay ninka looga shakisan yahay inuu ka dambeeyo weeraradii Paris ee dhacay November sanadkii hore.

Muuqaalada la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qiic iyo uuro madow ka baxayay goobta, iyadoo gebi ahaanba ay doorsoontay muuqaalka goobta qaraxa ka dhacay, waxaana qeyb ka mid ah tareenka uu ahaa mid aad u saameeyay qaraxa.

Dowladda Belgiuma ayaa sare u qaaday qatarta weeraro kale oo argagixiso, waxaana dowladda xaalad deg eg ah ku soo rogtay dalka oo dhan.

Garoomada diyaaradaha iyo dhamaan goobaha laga raaco tareenada ayaa la xiray, sidoo kale xuduuda u dhaxeysa Faransiiska iyo Belgium ayaa iyana gebi ahaanba la xiray.

Ra’iisul Wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa ku tilmaamay qaraxyadaka dhacay Brussels kuwo waxuushnimo ah, isagoo ugu baaqay dadka inay is dejiyaan oo ay muujiyaan wadajir.

Weerarada Brussels kadib, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha Caalamka, sida Britain, Jarmalka, Faransiiska iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan.

1 2 3 4 5 6