DHAGEYSO:- Daacish oo sheegtay in Al-shabaab uu hoos u dhac ku yimid ka dib Weerarkii Puntland

0

Wakaalada Sharqu Afriqiya ee taanacsan Kooxda Dacish ayaa soo bandhigay muqaal ay soo direen Kooxda IS ayaa waxa ay uga hadleen arimaha ka taagan Somalia gaar ahaan Dagaalamayaal kasoo goostay Al-shabab oo la heshiiyay hogaamiyaha Kooxda Abubakar Al-bagdaadi.

Muqaalka ayaa ku bilowday in Dacish ay arkeyso in dagaalka ay ka wado Al-shabab waqooyi bari Soomaliya ay tahay hoos u dhac weyn oo ku yimid Al-shabab.

Waxa intaasi kooxda ay ku dartay in loo baahan yahay in ay midoobaan  ayyana jirin wax xad ah oo cilin kara, waxa ay Dacish ku faantay tan iyo markii Somalia ay ka howlgaleen ay jirtay in koox badan ay ku biiraan.

Waxa ay Dacish ku eedeysay Al-shabab carqaladeenta dadaalada kooxda,waxana ay shaaciyeen in aysan wali xasiloni ka heli la’yihiin Al-shabab xita ay baneesteen dhiga dagaalamayasha iyaga ka baxa.

Dadka falanqeeya arimaha kooxahaan ayaa ku tilmaamay in hadalkan kasoo yeeray Dacish uu yahay dagaal ay ku kor iclmaamiyaan Al-shabab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-