WAR DEG DEG DHAGEYSO:- Diyaarado saanad hub ah u sida Puntland oo Maanta Muqdisho ka baxay iyo Xukuumada Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixisay

0

Dowlada Soomaaliya ayaa labo diyaarad oo sida Saanad Milatari u dirtay Maamulka Goboleedka Puntland si ay Kaga caawiso dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanada maamulkaasi.

Garoonka Aadan Cadde International Airport oo ay ka ambabaxday diyaaradahaasi waxa ku sugnaa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Saraakiil ka tirsan cidamada xooga dalka.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay kaga gol leedahay saanadaan Militari oo ay u dirtay Puntland si loosoo gaba gabeeyo howlgalka lagu donayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada xeebaha oo ay kula dagaalamayaan maamulka Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO