DHAGEYSO:- Maamulka Konfur Galbeed oo diyaarinaya Ciidamo Boolis Maxay qaban doonaan ?

0

Taliyaha booliska gobolka Bay Korneel Mahad C.raxmaan oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa waxa uu ka warbixiyay qorshe ay ku diyaarinayaan ciidamo boolis ah oo aqoon leh sidii ay u qoran lahaayeen.

Waxaana uu intaa ku daray in ciidamada booliska ay ay diiwaan galinayaan ay yihiin kuwo dhalinyaro ah oo shahaadooyin wata.

Korneel Mahad C.raxmaan taliyaha booliska gobolka Bay ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidamada laga qorayo dhamaan degmooyinka maamulka koonfur galbeed.

Maalmihii u dambeeyay maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay wadeen dadaalo lagu doonayo in amaanka magaalada lagu xoojiyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO