DHAGEYSO:- Wasiir Odowaa oo si cad u sheegay Sababta ay u tageen Magaalada Beledweyn iyo Dadka Hiiraan oo loo sheegay…

0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa waxaa uu safar ku tagay Magaalada Baladweyne,waxaana uu sheegay in ay Balad weyne isaga iyo Wafddigiisa u tageen in ay u kuur galaan tabashada dadka Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ,Max’ed Mukhtaar Ibraahim,waxaan Odawaa uu sheegay in ay Wasiirradaasi wakiil ka yihiin Dowladda Federaalka oo iyaga soo dirtay.

Waxaa uu sheegay in ay la kulmayaan Odayaasha iyo Dadka shacabka ah ee Gobolka Hiiraan si loogu qanciyo Shirka Jowhar ee ay ka biyadiideen dadka Hiiraan oo saluug ka muujiyay saami qeybsiga laga siiyay Shirkii Jowhar.

Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baladweyne ayuu sheegay in ay la kaashan doonaan qancinta Dadka Reer Hiiraan ee ka gedooday Shirka Jowhar ee la doonayo in lagu dhiso maamul ay yeeshaan Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ugu yaraan 8 Ugaas oo ka mid ah Beelaha dega Gobolka Hiiraan ayaa Shir ay ku sheegeen Magaalada Baladweyne waxaa y ku diideen ka qeyb galka Shirka Jowhar.

HALKAAN KA DHAGEYSO