TOP NEWS:- Markab nooca Gujiska oo ay leeyihiin Waqooyiga Kuurya oo la la’ yahay

0

Markabkaasi oo ah nooca Badda quusa ayaa lasheegay inay isbuucan ka hawlgalayey meel ka baxsan Xeebaha Waqooyiga Kuurya, markii la waayey.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka kale ee Koonfurta Kuuryaayaa sheegay inay baaraan wararka ku aadan Gujiska la la’ yahay.

Telefishinka CNN-ka ayaa sheegay inay Milliteriga Maraykanka ilaalo ku hayeen Gujiskaasioo ku sugnaa Xeebta Bari ee dalka Waqooyiga Kuurya

Dayax-gacmeedka Maraykanka ee wax basaasa, Diyaarado iyo Maraakiib ayaa la sheegay inay daawanayeen, markii ay ciiddanka Badda ee Waqooyiga Kuurya baadi-goobayeen Gujiska ka lumay.

Machadka Ciiddanka Badda Maraykanka USNI ayaa sheegay inay u badan tahay inuu Gujiskaasi ku degay Badda.