War Deg Deg Ah: Siyaasiyiita Beesha Sade Oo Shirkii Kismaayo Ku Midoobay Iyo Wajigii Labaad Ee Shirka Dib U Heshiisiita Jubbaland Oo Furmaya Dhawaan.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dhamana Siyaasiyiinta Beesha Sade ee ku kala fikir duwanaa siyaasada Jubbaland ay maanta gaareen heshiis taariikhi ah ayna wada saxiixeen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta Siyaasiyiinta beesha Sade ay gaareen heshiis gabi ahaan khilaafkooda siyaasadeed ee Jubbaland meesha looga saaray ayna u dhaqaaqeen midnimo iyo inay u adeegaan danta guud ee dadka iyo deegaanada beesha Sade.

Waxaa maanta kullan balaaran oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Siyaasiyiita, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada Beesha Sade lagu soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbaland kaasoo u dhexeeyay siyaasiyiinta beesha Sade ee ku kala fikir duwanaa siyaasada Jubbaland iyo qaabka loo wajahayo, waxaa maanta soo dhamaaday gabi ahaan khilaafki u dhexeeyay siyaasiyiinta, waxaana loo dhaqaaqay Midnimada iyo Wadajirka Beesha Sade.

 
Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu furmi doono wejigii labaad ee shirka Dib u Heshiisiinta Jubbaland kaasoo u dhaxeyn doona Siyaasiyiita Beesha Sade iyo Siyaasiyiinta Beesha Ogaadeen si loogu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dadka daga Jubbaland iyo Maamulka Jubbaland.

 
Isku soo wada duuboo Siyaasiyiinta Beesha Sade ee dhawaanahan ku shirayay magaalada Kismaayo ayaa dhamaantood waxaa ka muuqatay sida buldhadooda ay baahi ugu qabaan Midnimadooda, waxaana la oran karaa taas ayaa sabab u ahayd in khilaafkooda si durbaba ah uu kusoo dhamaado ayna u midoobaan danaha dadkooda iyo deegaanadooda, kullankii maanta ayaaa dhamaan siyaasiyiinta waxa ay mahadnaq balaaran u jeediyeen Wasiirka Gaashanadhigga Gen Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo sabab u ahaa isu keenidooda iyo mideyntooda islamarkaana waqti aad u badan galiyay siduu u mideyn lahaa siyaasiyiinta beesha Sade si ay ugu adeegaan danta guud ee dadkiisa iyo deegaanadiisa.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media