UPDATE:- Dhaq Dhaqaaqa Ganacsi ee Magaalada Marka oo Galabta Dib u Bilowday

0

Waxaa maanta dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee Magaalada Marka oo indhawaanahaan hakad ku jiray.

Wararka ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kadib kulan shalay ay wada yeesheen odayaasha dhaqanka Magaaladaasi Marka iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda Somaaliya ee gacanta ku haya Magaalada Marka.

Ganacsatada oo ka cabsi qaba ammanaka hantidooda ayaa gebi ahaan joojiyay maalmo ka hor dhaq dhaqaaqyadoodii Ganacsi ee halkaasi.

Dhawaan Ciidamo labisan dareeska Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhac ka geystay xarumo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.