TOP NEWS:- Shiinaha oo Mar kale ku celisay in Saldhig ay ka furaneyso Jabuuti

0

Dowladda China ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso in saldhigyada ay ku leedahay dalka Jabuuti wax badan ka qaban doonto dhibaatooyin badan oo ka taagan dalalka Geeska Africa.

Sarkaal u hadlay Dowladda China  ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee saldhigooda dalka Jabuuti ay tahay sidii ay uga hortagi lahayeen kooxaha burcadbadeeda Soomaalid oo dhibaatooyin u geysan kara badaha dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

Beijing ayaanan inta badan jecleysan in Saldhigooda Jabuuti loogu yeero mid milatari laakiin waxa ay xustay in warbaahinta si aad u adeegsato Kalimadda Saldhig Milatari .

Wasiirka Gaashaandhiga  China ayaa sheegay in bishii February ee sanadkaan ay billaabeen saldhigooda Jabuuti halkaasoo uu sheegay in sidoo kale ay taageero siin doonaan dadka reer Jabuuti oo tiro ahaan gaaraya 1 Million ruux.

Dalka Jabuuti ayaa waxa horay Saldhigyo Miltari ugu lahaa dowladda Maraykanka , France iyo Germany.