TOP NEWS:- Maamulka Jubbaland oo qorsheynaya Duulaan militari oo ka dhan ah Al Shabaab

0

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland, Cabdinuur Cali Aadan ayaa sheegay in Maamulkooda uu qorsheenayo Duulaan militari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab,.

Isagoo sii hadlaya Wasiirka Warfaafinta Maamulka Juba, ayuu jeedka Dulaanka militari ay qorsheenayaan ku sheegay mid ay ku doonayaan in Al Shabaab ay uga saaraan Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka, waxaana Shacabka ka dalbaday gacan ka geysashada howlgalkaasi.

Dhinaca kale, Cabdinuur Cali Aadan ayaa waxuu hoosta ka xariiqay Ciidamada Maamulka Juba iyo kuwa AMISOM in ay ka go’antahay la dagaalanka iyo sifeynta Xarakada Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Tan iyo markii Maamulka Jubaland la dhasay, ayaa weli waxaa muuqda in Xarakada Al Shabaab ay ku xoogan yihiin Degaano iyo Degmooyinka ka tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Dhexe.