Taliska Booliska Shabeelaha Dhexe: ” Goobaha Waxbarasho Madasha Shirka Nawaaxigeeda Ayaan Ka rarnay ee lama Xirin”

0

Col Khaliif Cabdulle Carfaaye Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Idaacadda Shabelle  ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay si weyn u adkeeyeen ammaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ayaaa xusay in Barta Kontarool ee Magaalada laga soo galo ay si weyn u xaqiijiyeen ammaankeeda , ciidanka dowladda isagoona tibaaxay in dadka iyo gaadiidka soo galaya Magaalada Jowharna la diiwaan galiyo.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu beeniyay in ay saameyn ku yeesheen Shirka ka furmaya Jowhar , xarumaha Waxbarasho  iyo Goobaha Ganacsi ee ku yalla Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hayeeshee  Taliyaha ayaa xaqiijiyay in laga raray nawaaxiga Goobta shirka uu ka dhacayo xarumihii Waxbarasho ee ku yaallay kuwaas oo uu sheegay in meelo kale loo wareejiyay.

Dhawaan ayaa waxaa lagu wadaa in shirka maamul u sameynta labada Gobol dib uu uha furmo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.