Muwaadin Somali Maraykan horey ugu hanjabay FBI-da oo la soo maxkamadaynayo.

0

Khaalid C/qaadir oo 20-jir ayaa la filayaa in maanta la soo taago Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis, iyadoo loo haysto inuu sannadkii hore bartiisa Twitterka ku qoray inuu dili doono Garsoor Maxkamadeed iyo Saraakiil ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI.

Dukumentiyadda Maxkamadda buuxisay ayaa lagu xusay inuu  Eedeysane Khaalid C/qaadir tirtiray qoraalka uu ku qoray Bartiisa Twitterka muddo u dhexeysay 20 ama 25 daqiiqo, kadib, markii uu qoraalkaasi ku diray Twitterkiisa.

Baarayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha qoraalkaasi hanjabaadda qoray saacado kadib, markii la qabtay saaxiibkiisa oo lagu magacaabo C/risaaq Warsame, kaasi oo lagu soo oogay inuu Daacish ku taageeray Qalab.

Dadka uu Khaalid C/qaadir ugu hanjabay inuu dili doono ayaa kala ahaa Garsoore Michael Davis iyo xubno ka tirsan Ciiddanka FBI-da ugu qaabilsan La-dagaalanka Argagixisadda.

Qareenka u doodayo Eedeysanaha oo lagu magacaabo Chris Madel ayaa sheegay inuu filayo inuu Eedeysanaha qirto Dembigaasi, maadaama ay Maxkamadda hayso caddaymo cusub oo muujinaya Fal-dembiyeedka loo haysto.

Eedeysanaha ayaa la sheegay haddii uusan qiranin Dembigiisa inuu muteysan karo 15-sanno oo Xabsi ah.

Qareenka waxa uu xusay inay suurtogal tahay in Eedeysanaha isla maanta laga siiyo Xarunta haatan lagu hayo.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Maxkamadda Minneapolis iyo Qoyska Eedeysanaha wey ka gaabsadaeen inay ka hadlaan qorshaha lagu sii dayn doono Eedeysanahaasi oo xirnaa tan iyo bishii December 10-dii ee sannadkii hore 2015-ka.