Marwada Madaxweynaha Dalka oo hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed

0

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan xuska maalinta haweenka caalamka ee 8-da Maarso, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin bulshada inuu yahay mid muhiim ah, marka loo eego dhanka bar baarinta qoyska, caafimaadka carruurta iyo waxbarshadooda.

Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa sheegtay in haweenku ay la kulmeen tacadiyo badan, ayna ahaayeen kuwa ugu jilicsan oo ay soo gaareen dhibaatooyinka dalka soo wajahay mudadii rubuc qarniga ahayd. dhanka kalena ay hormuud ka ahaayeen isku xirka bulshada xiliyadii ay dagaalada ka socdeen dalka, waxayna qayb ka yihiin mar kasta nabadaynta iyo horumarka bulshada.

Ugu danbayntii Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa tilmaamtay in Haweenku ay ku leeyihiin horumarka bulshda door aan caadi ahayn marka la qeexayo aayaha Ummadda Soomaaliyeed. Waxaana xusid mudan in dumarku kaalin muuqata ka qaataan dhanka nabadaynta iyo is dhex galka bulshada.