Madaxweynaha Dalka Jabuuti iyo dan jiraha Qaramada Midoobey u qabailsan Arrimaha Soomaaliya oo Ka wada hadlay Xaalada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dan jiraha Qaramada Midoobey u qabailsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo ku kulmay Dalka Jabuuti ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kadib kulanka Labad Mas’uul aya awarbaahinta loo soo bandhigay Qodobada ay ka wada hadleen,waxaana ka mid ahaa qaabka lagu gaari karo doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya 2016ka dhamaadkeeda,xoojinta howlgalka Ciidanka AMISOM ee lugta iyo in Michael Keating uu Dowladda Jabuuti ku amaanay doorkeeda Nabadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen xoojinta Hay’adaha Dowladda Soomaaliya sida Booliska iyo arrimaha Bulshada,waxaana ay isla meel dhigeen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Xarrakada AL-shabaab.

Dowladda Jabuuti ayaa howlgaka AMISOM ku soo biirtay 2011kii,waxaana ay Ciidamo gaaraya 2,000 oo Askari ka joogaan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.