Iiraan oo lala xiriirinayo doonidii lagu qabtay hubka ee ku soo jeeday Soomaaliya

0

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka, Iyan Makonughi ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay Doonidaasi ka soo shiraacatay Xeebaha Iiraan.

Afhayeenka ayaa hadalkaasi ku sheegay E-mail uu u diray Telefishinka NBC News, wuxuuna xusay inay doonida markii hore ku sii jeeday Yemen, si ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ugu adeegsadaan Dagaalka ay kula jiraan Isbahaysiga ay Sacuudiga hoggaamiyaan.

Waxa kaloo uu xusay in shixnadda hubka ee la qabtay loo gudbin doono Baarayaasha Maraykanka, si ay ugu sameeyaan Tijaabooyin dheeraad ah.

Ciiddanka Caalamiga awood sharci uma laha inay qabtaan dadka hubka tahriibiya ee lagu qabto Biyaha Caalamiga, waxaana la sii daayey dhamaan Shaqaalihii la socday Doonidaasi oo u dhashay dalka Iiraan, kadib, markii rarka hubka lagu wareejiyey Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee dalka Australia.

Doonidaasi ayaa la qabtay bishii hore ee February 27-dii, balse, waxay Ciiddanka Badda Australia shalay daaha ka rogeen inay qabteen Dooni waday Hoobiyayaal iyo hub kale, kuna soo wajahnayd Xeebaha Somalia.

Markabka Dagaalka ee Australia ee qabtay hubkaasi waxa uu qeyb ka yahay Hawlgalka “Task Force 150 ee La-dagaalanka Argagixisadda, Burcad-baddeeda iyo Hawlgalladda kale ee Tahriinta dhinaca Badda.

Hawlgalkaasi waxaa kaloo qeyb ka ah Ciiddanka Badda ee dalalka Maraykanka, Britain, Canada iyo kuwo kale.

Saraakiisha Mariniska dalalka Australia iyo Maraykanka ayaa sheegay inay Doonidaasi ka heleen 1,989 qoryaha AK 47, 49 qoryaha PKM, 39- Fuusto oo ay ku jiraan Dayactirka qoryaha PKM, Hoobiyayaal iyo Gantaalladda laga gano Baasuukaha.