DHAGEYSO:- Waxgaradka Hiiran oo mar kale war ka soo saaray Shirka Jowhar

0

Iyadoo magaalada Jowhar ay ka soconeyso qaban qaabada ah in in mar kale dib loo bilaabo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan waxay sheegeen in ay weli jirto Cadaalad daro iyo in aan si siman wax loogu wada qeybin beelaha labadaasi gobol.

Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka qeyb galeyn shirka Jowhar iyo sidoo kale ineysan tageyn magaalada Jowhar.

Waxay sidoo kale sheegeen in aan weli laga qancin waxyaabaha ay tabanaayeen isla markaana ay weli wax ka tabanaya qaabka wax loo wado.

Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowlada Soomaaliya iyo Madaxda sare ee Dalka ayaa ku dadaalayaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo sidoo kale qancinta beelaha qaar ee wax tabaya.

Waxaana iminka magaalada Jowhar ku sugan yihiin ergooyin la sheegay in ay shirka Jowhar u matalayaan beelaha dega gobolka Hiiraan, waxaana Ergooyinka hor kacaya masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-